Kismayo oo tacadiyo ka dhana bini-aadamnimada laga wado

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Kismayo oo tacadiyo ka dhana bini-aadamnimada laga wado

Post by CoolPoisons »

Kooxaha sheegta Islaamiyiinta Somalia ee isugu jira Dugsigga Kambooni iyo Shabaabka Caalamiga ayaa lagu eedeyay inay ku kaceen tacadiyo ka baxsan bini-aadamnimada iyo diinta Islaamka ,sida ay wada qireen Hay'adaha Samafalka,Weriyeyaasha iyo dadweynaha Jubooyinka.

Maamulka Hassan Turki ee ka arrimiyo Kismayo waxay goowraceen sedex nin oo ay guryahooda kala baxeen kuwaas oo aan la ogayn dimbiyada ay galeen,sidoo kalena waxay degaanadaas ka mamnuuceen,qaadka,Sigaarka,goobaha ciyaaraha lagu daawado iyo baahinta wararka madaxa banaan ee Saxaafadda.

Weriyeyaal Somalia oo la shaqeeynayay Wakaaladda Wararka IRIN, Idaacadda Codka Mareykanka iyo Warbaahino Caalamiya ayaa naftooda kala baxsaday Kismayo ka gadaal markii kooxaha sheegta Islaamiyiinta Jubooyinka dul dhigeen baaqyo hanjabaad huwan oo faraya inay joojiyaan wararka ay siiyaan Warbaahinada reer galbeedka.

Weriyeyaal iyo Shaqaale samafalayaala ayaa cabsi darteed joojiyay shaqooyinkooda,iyadoo laga yaaba inay isaga baxaan Kismayo sababa la xiriira amaankooda.

Xoogaga Kismayo heysta waxay burburin ku bilaabeen kaniisad qadiimiya taas oo ka qeyb noqotay falalka lagu eedeynayo ee ka baxsan xeerarka Caalamiga iyo Diinta Islaamka maadama la reebay in xad gudub lagu sameeyo cid aan dimbi gelin gaal iyo Muslim.

Hassan Abdullahi Fiixi oo loo yaqaan Hassan Turki ayna hoos tagaan xoogaga heysta Kismayo wuxuu todobaadkii la soo dhaafay hadal aan la maleeysan ku gaaleeyay hogaamiyeyaal ku xeeldheer Diinta Islaamka ayna ka mid yihiin Xasan Dahir Aweys iyo Shariif Sheik Ahmed.

Horjoogayaasha kala tegay ee golahii Maxaakiimta waxay caan ku ahaayeen inay Gaalnimo ku xukumaan cidii khilaafto aragtidooda hasse yeeshee hada waxaa muuqato in Ciyaarta dhexdooda ka bilaabatay,waxaana laga yaabaa inaysan sheekada ku ekaan labada nin ee Hassan Turki ku riday xukunkiisa.

Diinta Islaamka ma qabto in qof Muslima lagu tilmaamo Gaal,waxaana Xadiis saxiixa uu leeyahay, " HADAAD QOF GAAL TIRAA,WAA INUU YAHAY GAAL,HADII UU MUSLIM YAHAYNA ADIGAA NOQONAYA GAAL"

http://waagacusub.com/news/kismayu.htm
The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Re: Kismayo oo tacadiyo ka dhana bini-aadamnimada laga wado

Post by The_Patriot »

Sice when did you rely on hutu news?
:lol: :lol: :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”