Garoweonline isn't going into details, these idiots annoy me sometimes with their political correctness. At times like this I'd rather go on Hawiyenews.com.

Moderators: Moderators, Junior Moderators
AbdiWahab252 wrote:Hawiyenews.com is reporting the Darood on Darood violence gripping Kismayo.
Kooxaha Islaamiyiinta gacanta ku haaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa dil toogasho ah u geystay nin ka mid ahaa Saraakiishii Ciidamada Maleeshiyaadkii Barre Hiiraale.
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo Kooxaha Islaamiyiinta ayaa ku kacay fal ay aad uga xumaadeen dadka deegaanka, kaasi oo ay dil bareer ah ugu ninkaas Ninkaas sarkaalka ahaa, xilli ay socdeen isku dayo lagu deynayay ninkaas oo ku xirnaa Saldhiga Magaalada Kismaayo
Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Islaamiyiinta ku kala qeybsameen sii deynta ninkan oo muhiim u ahaa Maleeshiyada daacada u ah Xildhibaan Col Barre Hiraale, waxaana markii dibeda loo saaray oo la doonayay in la sii daayo toogtay mid ka mid ah Islaamiyiintii ilaalada ka aheyd Saldhiga Magaalada Kismaayo.
Dhacdadan oo dhacday gelinkii dambe ee shalay ayaa dhalisay muran weyn oo ku aadan sii deysmadiisa, kaasi oo ay garwadeen ka ahaayeen odayaal dhaqameedyo, waxaana Ninkan oo ahaa saraakiishii looga itaal roonaaday Magaalada Kismaayo dabayaaqadkii bishii Augost uu ka mid ahaa dad Maxaabiis ahaan loogu qabtay dagaalkii dhex maray Xoogaga isbaheysatada Islaamiyiinta iyo Maleeshiyaadkii Beeshii gacanta ku heysa KIsmaayo oo uu horboodayay Xildhibaan Barre Hiiraale.
Marxuumka dhintay oo lagu magacabi jiray Faarax Foodley waxaa uu ahaa mid ka mid ah raga horseedka u ahaa Maleeshiyadii Col Barre Hiraale ee dagaalka looga saaray Magaalada Kismaayo.
War goor dhow isna na soo gaaray ayaa sheegaya in sarkaalkan lagu dhex dilay saldhiga uu ka mid ahaa Maleeshiyaad la dagaalamay Xoogaga Islaamiyiinta dagaalkii ka dhacay Jasiirada Kudhaa, waxaana Mas'uuliyiin u hadashay Islaamiyiinta Kismaayo ay sheegeen in ninkan aanu ka mid aheyn maleeshiyaadkii Barre Hiiraale.