Baaq ka soo baxay Jaaliyadda Beesha SADE ee Leicester
Posted: Mon Oct 13, 2008 1:04 pm
http://allwariye.com/actiontools/getThi ... hp?id=1103Jaaliyadda sade ee ku nool magaalada Leicester, dalka ingiriiska ,shirar isdaba joog ah oo ay yeelatay waxaa si buuxdda looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan gobolada jubbooyinka iyo Gedo. Falanqeeyn iyo dood dheer ka dib waxaa shirku guddoonsaday qodobada hoos ku qoran.
1) Gobolka Gedo waxaa ka dhisan maamul ay dadweynah deegaanku soo doorteen oo ay u dhantahay hey`adihii sharciga ahaa ee loo doortay iney fuliyaan adeegga bulshada. Haddaba xadgudubka loo geeystay mamulada degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq waa mid ka turjumaya cadaawad qoto dheer cawaaqib xumada ka timaadana waxaa masuuliyaddeeda qaadaya dhagar qabayaasha ku soo duulay. Waxaanan ku talineynaa inay si degdeg ah uga baxaan si loo baajiyo dhiig daata.
2) Magaalada Kismaayo waxaa si gardarro ah ugu soo duulay ciidamo huwan qabiil ah oo ku dhuumanaya magac diineed oo Xasan Turki hoggaaminayo. Taas oo keentay geeri iyo barakac balaaran oo soo wajahday shacbi weynihii ku noolaa deegaankaas, sidaasi awgeed ciidamadaas banaanka kaga yimid magaalada waa in ay si dhakhso ah uga baxaan.
3) Waxaan ku talinayaa in waxgaradka beesha sade ee gobolada Gedo iyo Jubbooyinku ay kulan ka yeeshaan aragti mid ahna ka qaataan go`aanadii ka soo baxay shirkii Bu`aale oo ay ka muuqato colaad ku wajahan beesha Sade.
4) Waxaan si cad uga soo horjeednaa oo dhaleecayneynaa dilalka qorsheysan ee lala beegsanayo cuqaasha,aqoonyahanka,culimaaudiinka,iyo howlwadeenada heyadaha samafalka oo adeegga u haya shacabka Soomaaliyeed.
1. Jeneraal Cumar Xaaji Masale
2. Cabdulaahi Cali Kooshin
3. Axmed Ashkir Cabdi
4. Maxamed Nuur Yaryare
5. Cabdi Shire Warsame
6. Saciid Cabdulqaadir Sayid Warsame
7. Maxamed Gaaciye Shide
8. Mahad Cumar Xaaji
9. Maxamed Daahir Macalin-yare
10. Cismaan M. Jilibey
11. Cumar Xasan Maxamed
12. Maxamuud Ibraahim Indhacadde
13. Cabdulqaadir Maxamed Gaas
14. Cabdiweli Xuuki Jaamac
15. Suldaan Axmed Liibaan
16. Iraad Boordege
17. Cabdi-xukun Ashkir Cabdi
18. Cabdiraxmaan Xaashi Jaamac Afdhuub
19. Jaamac Indhabuur Jaamac-deer
20. Cilmi Indhabuur Jaamac-deer
21. Musdafe Cabdisalaan Oorfane
22. Cumar Cabdulaahi Shire
23. Cabdinaasir Cubeed Diiriye
24. Sade Cali-dhuux Jaamac
25. Qalbi Cali Faarax
26. Maxamed Cubeed Diiriye
27. Axmed Cilmi Dirir
28. Cabdisamid Ruuke Warsame
29. Cabdisalaan Wiilwaal
30. Garaad Cali Nuur
31. Jaamac Faarax Coongaab
32. Diini Cali-dhuux
33. Cabdirashiid sheikh Saciid