

Ciidamada dowladda oo gacanta ku dhigay inta badan gobolada Bay iyo Bakool
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 25-Oktober-08
Wararka ka imaanaya degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in ay saakay waberigii gudaha u galeen halkaasi ciidammada dowladda KMG ah oo kaashanaya ciidammada Itoobiya, kadib markii mudooyinkii ugu dambeeyey ay kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda islamarkaana gacanta ku hayay deegaano ka tirsan degmada Xudur.
Ciidammada dowladda ayaa la sheegayaa in ay si nabad ah ku galeen degmada Xudur iyadoo aysan jirin wax dagaalo ah oo ay la galeen kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegaya in ey maqlayeen rasaas goos-goos ah oo ay ridayeen ciidammada dowladda, waxaana ciidammadaasi horkacayay ku simaha gudoomiyaha gobolkaasi Shiine Macallin Nuurow.
Ciidammada gaaray degmada Xudur ayaa markii ay shalay cagta soo mariyeen deegaano ka mid ah Waajid, ayaa waxay weerar ku qaadeen garoonka diyaaradaha Waajid la sheegay iney ku dileen mid ka mid ah ilaalada garoonkaasi iyadoo laba kalena ay ku dhaaweceen.
Waxaa sidoo kale saakay deggan xaaladda deegaanada ku dhow-dhow degmada Bardaale oo ay shalay dagaallo ka dhaceen, iyadoo khasaaraha ka dhashay dagaaladii shalay inta laga warqabo ay ku geeriyoodeen in ka bdan shan qof oo u badan dhinacyadii ay dirirtu dhexmartay iyo dhaawaca 10- kale.
Inta badan gobolada Bay iyo Bakool ayaa iminka u muuqda kuwo gacanta u galay ciidamada dowladda federalka, waxaana deegaano ka mid ah goboladaasi mudooyinkii ugu dambeeyay haystay kooxda Al-Shabaab oo hadba degmo ama tuulo tagi jiray.
Maamulka gobolada Bay iyo Bakool ayaa doonaya sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen maamulada degmoyinka qaarkood oo ay xoogagga islaamiyiinta ku qasbeen iney iska casilaan .
C/laahi Xasan Baliil
Baliilkhan10@Hotmail.Com
Abu Mansuur And His Boys Are On The Run
