Baaq Nabadeed Oo Ku Wajahan Beesha Galgaduud Bari

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Baaq Nabadeed Oo Ku Wajahan Beesha Galgaduud Bari

Post by CoolPoisons »

KA: Jaaliyadda Beesha Galgaduud Bari ee magaalooyinka London, Birmingham iyo Leicester ee dalka Ingriiska.
KU: Odayaasha dhaqanka beesha Galgaduud Bari
KU: Culumaa'u diinka beesha Galgaduud Bari
KU: Aqoonyahanka beesha Galgaduud Bari
KU: Jaaliyadda beesha Galgaduud Bari ee dalka iyo dibaddaba
Ujeeddo: Baaq nabadeed

Anagoo aad uga xun dhibaatooyinkii iyo dilalkii maalmihii ugu danbeeyay ka dhacay magaalada Caabudwaaq oo ah magaalo nabadeed ayaa waxaan ugu baaqaynaa dhammaan bulshada walaalaha ah ee reer Caabudwaaq in xilligaan uusan shaydaan hogaanka u qaban. Isla markaasna ay wixii khilaaf ama dhibaato ah oo dhexyaal ay si nabad ah ugu dhamaystaan wada hadal. Maalmo kooban oo kaliya ayaa ka soo wareegay markii ay gudaha degmada Caabudwaaq dad maata ah oo reer caabudwaaq ah ugu geeriyoodeen dhibaatooyinkii badnaa ee ay abaaruhu keeneen.

Haatan oo ALLAHA awoodda leh uu ka saaray abaartii iyo roob la'aantii dhawrka sano oo xiriirka ah haystay oo uu Alle siiyay xareed iyo barwaaqo badan, aysan meeshii ay ALLAHOOD uga shukriyi lahaayeen, aysan haatan abaartii ku beddalan kibir iyo colaad sokeeye oo aysan u baahnayn.

Haddaba waxaan mar labaad ugu baaqaynaa Odayaasha Dhaqanka, Aqoonyahanka, Culumada diinta, Dhalinyarada iyo dhammaan qaybaha kale ee bulshadaba ay si wada jir ah isla markaasna deg deg ah loo xakameeyo xiisadda iyo isku dhacyadii hubaysnaa ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Caabudwaaq. Ugu dambayntii waxaan ALLAHA awoodda leh ka baryaynaa in ummadda Soomaaliyeed oo ay abaaraha iyo colaaduhu la degeen uu dhibka ugu beddelo barwaaqo iyo nabad waarta.

Wa bilaahi tawfiiq
25-10-2008
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”