
Abwaan Hadraawi oo La Sheegay Inuu Dhex Dhexaadinayo Kooxda Al-Shabaab Iyo Cabdillaahi Yuusuf
Toronto (Waaheen)- Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi iyo gudi uu hogaaminayo ayaa lasheegay inay dhexdhexaadinayaan
kooxda Al-shabaab iyo C/llaahi Uuusuf.
Warar lagu kalsoonyahay oo ku dhow dhow gudiga qabanqaabada Nabadaynta Kooxaha Islaamiyiinta ee Soomaaliya ee uu hogaaminayo Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ee ka socday 48 kii saacadood u dambeeyay magaalada Toronto, ayaa waxay sheegeen in abwaanku aad uga howlgalay sidii uu isugu soo jiidi lahaa kooxaha mayalka adag ee ku hirdamaya siyaasadda Soomaaliya oo saamayn weynna kuleh deganaanshaha mandaqadda geeska Afrika.
Kooxahaas oo ay ka mid yihiin Ururka Al-Shabaab ee uu Hogaamiyo Roobow Abu- Mansuur , iyo labada garab ee ay u kala jabeen Maxaakiimtii Islaamiga oo qaarna fadhigoodu yahay Asmara kuwa kalena ay ku sugan yihiin Djibouti.
Wararku waxay intaa ku darayaan in Abwanku ka qayb galay kulamo googoos ah oo is daba jooga u kulmiyay wakiillada kooxahaas Islaamiyiinta ah u fadhiya Qaaradaha Yurub iyo Woqooyiga Amerika iyo weliba xubna ka kala yimid dalalka Djibouti, Eritria iyo Qatar. Kulamadaas oo qaaarkood ay ku dhaceen habka Teleconference ka waxa kale oo wehelinayay qaadhaan ururin (Fundraising) ay gacan ka gaysteen dhammaan inta jecel Midnimada Soomaaliyeed.
Ilo wareedyadaas lagu kalsoonyahay waxay noo xaqiijiyeen in dhammaan wakiillada garabada khilaafku ka dhexeeyaa ay cadeeyeen inay ku kalsoon yihiin dhexdhexaadinta abwaan Hadraawi iyo gudidiiisa iyo go'aannada ay soo saaraanba.
Source Somalilandnation
Wallahi RESPECT for that old man !
