CABDI XOOSH OO BEENIYAY INUU KA QAYB GALAY SHIR LA SHEEGAY INUU KA DHACAY MAGAALADA LONDON ISLA MARKAASNA BAAQ LAGA SOO SAARAY!
[2008-10-30 17:43:50]
Cabdi Xoosh oo Allwariye khadka telefonka kula soo xiriiray ayaa si kulul u beeniyay inuu haba yaraatee wax ka ogaa ama sinaba uga qayb qaatay shirkaas oo uu ku sheegay inuu yahay wax been abuur ah.
Cabdi Xoosh oo aad iyo aad uga caraysnaa sida loogu been abuurtay ayaa aad u cambaareeyay dadka ka been sheegay oo uu ku tilmaamay "dad wax ma garato ah oo doonaya inay halleeyaan sharafta iyo magaca dadka masuuliyiinta ama wax garadka ah", waa siduu hadalka u dhigaye.
Cabdi Xoosh oo Baaqa iyo shirka la sheegay inuu ka mid ahaaba ku sheegay "BEEN AAN SAL IYO RAAD TOONA LAHAYN" ayaa asagoo hadalkiisa sii wata uga digay dadka ku shaqaysta ama caadaystay dhaqamada liita iyo ka been sheegidda dadka cuqaasha ama wax garadka inay ka waantoobaan si deg deg ahna ay faraha ugala baxaan arrimahaas oo u keeni kara cawaaqib xumo aysan hatan filanahayn.
Cabdi Xoosh ayaa sidoo kale sheegay inuu yaqaan kuwa ku been abuurtay isaga iyo rag kale ayagana magacooda la iska qortay oo lagu been abuurtay, isla markaasna ay kala xisaabtami doonaan, waxa ay ku keceen.
Allwariye, London
http://allwariye.com/actiontools/getThi ... hp?id=1148
CABDI XOOSH OO BEENIYAY INUU KA QAYB GALAY SHIR LA SHEEGAY
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
Re: CABDI XOOSH OO BEENIYAY INUU KA QAYB GALAY SHIR LA SHEEGAY
Abdi Hosh true Marehanist
fockers wanted to use his name to support the terrorists in Gedo
fockers wanted to use his name to support the terrorists in Gedo
Re: CABDI XOOSH OO BEENIYAY INUU KA QAYB GALAY SHIR LA SHEEGAY
there is going to be a change in Gedo and Kismaayo whether it be a change for the better or not i do not know.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 792 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 10 Replies
- 885 Views
-
Last post by ToughGong
-
- 0 Replies
- 351 Views
-
Last post by Abdi-Samatar
-
- 0 Replies
- 263 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 3 Replies
- 663 Views
-
Last post by CaynabaX
-
- 0 Replies
- 439 Views
-
Last post by kaliil
-
- 6 Replies
- 874 Views
-
Last post by Jaamacbuuhoodle
-
- 2 Replies
- 644 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 573 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 9 Replies
- 807 Views
-
Last post by Cirwaaq