Sh. Cilmi Poem!

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
QansaGabeyle
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14164
Joined: Wed Feb 27, 2002 7:00 pm
Location: Beled Xawo, Somalia
Contact:

Sh. Cilmi Poem!

Post by QansaGabeyle »

Tan iyo markii maamulkii Kismaanyo lagala wareegay beeshii gacanta ku haysay, waxaa laga dareemayaa Gobolka Gedo dhaq-dhaqaaq ciidan iyo is abaabul dagaal oo ay kala wadaan Al-shaab iyo xildhibaan Barre Aadan Shire. Shacabka ku nool Gobolka Gedo ayaa waxay qabaan dareen weyn oo ah in ay soo wajahday colaadihii inta badan ka socday Gobolada dhexe, Shabeelooyinka iyo Banaadir.

Laakiin su'aasha ay in badan is weydiinayaan maanta ayaa ah sidee loogaa hortagi karaa dagaalo qaraar oo xiligaan ka dhaca Gobolka Gedo ayada ooy Gobolka ka jirto abaar aad u daran oo saamaysay dad iyo duunyaba? Dadka in badan ayaa waxay leeyihiin "waqtigaan ma haboon tahay in col loogu daro shacabka reer Gedo oo sida weyn ula il daran wax yeelada kasoo gaartay abaarta ba'an ee gobolka ku dhufatay?."

Nin waliba garaadkiiye, aniga haddaba bal aan Gabay ku cabiro sida uu xaalku iigu muuqdo iyo waxa shacabka reer Gedo la gudboon.

--------------------------------------------------------------------------------------------
--------------------------------------------------------------------------------------------
Gabayga waxaa tiriyay Abwaan Caalimiin Sh. Cilmi
--------------------------------------------------------------------------------------------
--------------------------------------------------------------------------------------------


Inkastooy balaayadu carada, badi walaaqaysay
oo Banaadir lagasoo qaxoo, Bayna lagu hoobtay
bahda Gedo wax badan bay ahayd, beelo nabadeede

Hadii aan bar waaqiyo wanaag, bilo ku soo moodnay
baraaraha in lagu siijiyo, beeshay nabadiiye
buun kii colaadeed miyaa, baal walba is dhaafay

Barre soo hubkiisii madhigan, baladka Doolow ah
barbaar urursi soo kuma jiriyo, biraha soofaysta
Baardheere sow ow shabaab, baasha kama joogo

Sow boodharkii iyo galbeed, baawar kuma yeelan
buruud kiyo awoodii markii baylah laga taagay
sow badeey garihi kuma hayaan, bura ajee joogay

Bartamaha Mareexaanka daga, tan iyo Buurdhuubo
balaayadu hadmay dhici rabtaa, bir iyo saadoole
sow kuma bariistaan, waxay baga u jiifaanba

Ninki baatir geel laga dhacay, baanisow darane
bah daabaa rogmaysee, dagaal baaji laga waaye
birmad waxaan ahayn iyo hashii, oma bidhaamaane

Banbo qaraxday iyo rasas, boqolku ruux wayday
beer iyo walaalo is dhalay, oon is bixinaynin
baqashada ilamaha roorayo, biyo la'aantooda

Bari cudur ka yimid, baa galbeed looga ba qayaaye
bakaariyo wixii xamar rogay, bayna soo galaye
boqorkiyo nabadoonadoow, beesha ku hagoogta

Barihiyo aqoon yahanadoow, tabiya baaqiina
culamada ninkii baas wadoo, barakac doonaayo
inuu balalka naareed kudhici, ha u bayaasheene

Bilcaantiyo ururada bulshadu, waa bir aan jabine
intay boorar waa wayn qortaan, balowga yay daynin
bad baadsada kudhaha, nabadu waa bayska nololeede
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”