Mogadishu: TFG Iyo Maxkamadaha Started a Join Task Force
Posted: Thu Nov 06, 2008 3:35 pm
Mogadishu: TFG Iyo Maxkamadaha Started a Join Task Force.
I think we are moving in the right direction. It is steps like this that will have Ethiopians out in no time.
Muqdisho: Maxkamadaha & Dawladda Soomaaliya oo diyaarinaya ciidamo Hirgaliya heshiiskii Jabuuti.
Muqdisho(AllPuntland)- Markii ay dhawaan gaareen Heshiis rasmi ah Mucaaradka hubeysan ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayaa markan ay labada dhinacba bilaabeen in ay diyaariyaan ciidamo hirgaliya qodobadii heshiiskaasi.
Xukuumada Faderaalka ee Soomaaliya oo aan wali ku soo laaban dhamaanteed dalka gudihiisa, ayaa hadana Jenanada ciidamada dawlada Soomaaliya ay isku duba ridayaan ciidamo Boolis ah oo wax ka qaban kara amaanka guud ee dalka Soomaaliya.
Labada dhinacba waxaa laga dhowrayaa ciidamo gaaraya (Toban Kun oo Askari), waxa ayna ciidamadan noqon doonaan kuwa hirgaliya Xabad joojin lugu saxiixay Magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti, waxa ayna ciidamadan amaanka kala wareegayaan Milateriga caawinaya dawladda Soomaaliya.
Dhinaca Maxkamadaha heshiiska la gaaray dawladda Soomaaliya oo uu horboodaya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markan gudaha Soomaaliya ka wada urursiga ciidamo kala duwan, markaasna ay ku doonayaan in ay ku biiriyaan ciidamo ka imaanaya dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Dawladda Soomaaliyana waxa ay wadaa dadaalo ku aadan sidii ay ciidamadaasi ku diyaarin lahaayeen, waqtigii loogu talagalay keenida ciidamadan ayaa soo dhaw, waxa ayna dhinacyadu markan doonayaan in ay hirgalayaan heshiiskaasi.
Ururka Al- Shabaab oo ah urur ka soo horjeeda Heshiiskaasi ayaa sheegay in ay dagaal adag lagalayaan ciidamadaasi laysku dari doono ayna meesha ka saarayaan, waa sida ay hadalka udhigeene waxaana soo baxaya walaacyo ay dad badan ka qabaan falal amaan daro oo ka dhaca.
Hadii laysku keeno ciidamadan waxa ay noqon doontaa talaabo ay dad badan oo Soomaaliyeed dhowrayeen, waxaana la xasuustaa in ay labada dhinacba soo dhexmareen dagaalo qaraar oo sababey dhimashada in ka badan 6000 Kun, sida ay cadeeyeen Hay'adaha Madaxa banaan ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.
F. C. Geylan
AllPuntland