Dadoow Taageera Dib U Heshiisiinta Deegaanada Gabolka Galgad

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Dadoow Taageera Dib U Heshiisiinta Deegaanada Gabolka Galgad

Post by CoolPoisons »

niga oo ah shaqsi kasoo jeeda beelaha dega gobalka Galgaduud Bari waxaan ku farax sanahay soona dhaweynayaa dib u heshiinsiinta beeleed ee xubin kamid ah maxkamadaha uu ku baaqey inuu bilaabi doono iyadoo tilaabadaas ay tahay mid wax ku ool ah oo deegaanka iyo dadkuba ay yihiin kuwo u baahan oo qof walba oo caqli leh uu dareemi karo.

Hadaba ayadoo taasi ay jirto ayaa waxaa ii muuqata midaas mida ka horeysa oo ah marka u horeysa in Cabdi-Xafiid Sacdi Jaamac iyo ragiisa maxkamadaha ay xaliyaan khilaafka hadda jira oo ka dhax taagan Caabud Waaq taas oo ay u dhaxayso beelo waaalo ah oo wada dega degaanka C/Waaq, taas oo qof walba dareemi karo hadii aan wax laga qaban in degaanada gobalkaasi Galgaduud Bari ay noqon doonta meel lagu kalatago oo ay lunto hanaankii kala danbeynta marka si aynan taasi udhicin waa in laga hortagaa.

Midda kale dadka deegaan ka ha ogaadeen booliska Caabudwaaq ma aha reer hebel waa fursad qaali ah oo ubaahan in lagu deydo. Waxaa kale oo iga dar daaraan ah ninkii awooda ama kari karoow inuu beeshiisa u sameyo bolis fadlan usamee si aad u qabato midkaaga xumaha jecel, taas hadii lagu guuleysto waxaa macquul ah in ay isfahmaan booliska oo ay u gudbaan in ay maamul sameystaan maadaama ay nabadii xakameeyeen.

Waxaan kaloo ka codsanayaa qurbo joogta dibada kunool in ay nagala qeyb qaateen boolis guud oo la sameeyo iyo maamul guud oo u deega bulshadaas taagta daran ee ubaahan daryeelka biniadannimo. Fadlan igala soo xiriira e-mailka hoos ku qoran siaan uga wada hadalno arrimo badan oo muhiim ah kuwaas oo ubaahan qeexid hoose oo gaar ah.

http://www.gedonet.com/index.php?news=3934
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”