Waxaa maanta ka dhacay xafiiska Guud ee xisbiga Kulmiye ee Gobolka Sool shir balaadhan oo a y isugu yimaadeen 15 Gudoomiye oo ka socda xafiisyo ka furan gudaha magaalada Laascaanood kuwaas oo hoostaga xafiiska guud ee xisbiga Kulmiye ee Gobolka Sool oo uu madax ka yahay Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Kayse Maxamed X. Xuseen.
Shirkan uu maanta u furay Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Gobolka Sool xafiisyada 15-ka gaadhaya ee ka dhisan magaalada Laascaanood ayaa waxa ay ku saabsan yihiin sidii xafiisyadaasi ay sare ugu qaadi lahaayeen habsami usocodka shaqadooda iyo siday udardar galin lahaayeen hawlaha wacyi gelinta marka ay timaado.
Gudoomiyaha oo ka hadlaya oo shirkaasi furay ayaa waxa uu halkaasi kasoo jeediyay hadalo kooban oo ku saabsan qaabka shaqada xisbiga Kulmiye iyo waxqabadkiisa uu wado shacabka Gobolka Sool iyo sidii ay xafiisyada ka furan gudaha magaalada Laascaanood ee gaadhaya 15-ka xafiis ay unoqon lahayeen kuwo tayo sare leh kana soo baxa shaqadooda.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay masuuliyiin badan oo ka socday xafiisyada xisbiga Kulmiye ee Gobolka Sool kuwaas oo kasoo jeediyay hadalo ay si wayn ugu mahad celinayaan sida wayn ee Gudoomiuyhu mar walba ugu taagan yahay shaqadiisa ugana caajisayn iyagoo sidoo kale mid waliba soo bandhigay xafiisyada ay ka socdaan habsami usocodka shaqadooda kuwaas oo ay ku tilmaameen inay marayaan meel wacan.
Ugu danbayntii ayaa waxaa halkaasi ka hadlay xoghaya xisbiga iyo qaar kale oo ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Sool sida gudoomiyaha garabka dhalinyarada C/laahi kooreeye oo soo bandhigay sida ay u dardar geliyeen shaqadooda iyo halka marayso isagoo sidoo kalena sheegay in xisbigu haysto dhalinta ugu badan Gobolka Sool ee taageersan xisbiga Kulmiye.
Afnugaal News Desk


