Page 1 of 1

tigreegi oo gedo loogu tagay

Posted: Wed Dec 31, 2008 3:57 pm
by camanje
Posted by Gedo
Wednesday, December 31 @ 09:14:18 EST


Afhayeenka dhaqdhaqaaqa Xoogaga Kaambooniyiinta Sh Xasan Jibriil oo shir jaraa’id qadka Taleefoonka ugu qabtay ayaa wuxuu sheegay in ay Xoogaggooda ka dambeeyeen Weerarro xalay lagu qaaday fariisimo ay ciidamada itoobiya ku leeyihiin Magaalada Luuq ee G/Gedo


Sh Xasan Jibriil waxaa uu sheegay in weerarka xalay ay ku qaadeen Magaalada Luuq ay ka gaareen ujeedadii ay ka lahaayeen , isagoo tilmaamay in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dhinacooda.

Afhayeenkaasi u hadlayay Kaambooniyiinta ayaa waxaa uu intaas ku daray in ay ciidamadoodu sii wadayaan weerarka Ciidamada Itoobiya ay ku beegsanayaan.isagoo shacab iyo dadka isticmaala wadada luuq uga digay inay halkaasi isticmaalaan maadaama uu baratanku sii socon doono.

Shiikh Xasan Jibriil waxaa uu sheegay in ay xalay beegsadeen dhawr fariisin oo ay kamid tahay buundada iyo xero koowaad halkaasina ay in muddo ah ku sugnaayeen balse waxa uu tibaaxay inay weli ku sugan yihiin dhulka ku hareeraysan degmadaasi luuq.



Xaalada Deg.Luuq ayaa iminka degan kaddib markii xalay ay kooxdaasi weerarka ku qaaday gobo kamid ah magaaladaasi luuq ee G/Gedo.






Maxamed Gaarane Aadan
Baardheere/GEDO

:up:

Re: tigreegi oo gedo loogu tagay

Posted: Wed Dec 31, 2008 4:00 pm
by Ina Baxar
Kaambooniyiinta

Bal kuwan na maxay ahayeen?
Wixii hore loo yiqiin bey rbaan iney bedelaan raggani.
Waryaada hoy , haddey wuxu ciyaar kubad ah tahay , dee qoriyaha iska dhiga , haddi kale beenta inaga dhaafa fadlan ! :lol:

Re: tigreegi oo gedo loogu tagay

Posted: Wed Dec 31, 2008 4:03 pm
by Somaliman50
damn these fockers set up camps everywhere. alshabaab should open a can of whoop ass on tigranya :up: