Page 1 of 1

Muj silanyo willl go tomorow to lascanood

Posted: Thu Jan 01, 2009 3:43 am
by The_Emperior5
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Iyo Wefti uu Hogaaminayo Oo Beri Socdaal Ugu Baqooli Doona Deegaamada Gobolka Sool.
December 31st, 2008

Hargeysa (Somaliland.Org) Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo wefti uu hogaaminayo ayaa beri socdaal ugu baqooli doona deegaamada gobolka Sool.



Axmed Siilaanyo iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhaa sidii ay u soo kormeeri lahaayeen hawsha diiwaan-gelinta ee lagu wado inay ka bilaabanto 2-da bishan koowaad ee sanadka 2009-ka deegmooyinka gobolka Sool.



Weftiga gudoomiyaha xisbiga KULMIYE oo ay ku weheliyaan xildhibaano, xubno golaha dhexe ee xisbiga ah iyo masuuliyiin kale waxay aroorta ka baqooli doonaan magaalada Hargeysa iyagoo u sii jeeda dhinaca gobolka Sool.



Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE wuxuu hore kormeer la xidhiidha u kuur gelida hawsha diiwaan gelinta ugu soo maray dhamaan deegaamadii iyo goboladii ay hore uga soo qabsoontay hawsha diiwaan-gelintu, Ayadoo ay ugu dambeysay deegaamada gobolka Sanaag oo ka soo laabtay laba maalmood ka hor.



Liban M.Shire

Somaliland.Org Hargeisa.

Re: Muj silanyo willl go tomorow to lascanood

Posted: Thu Jan 01, 2009 5:21 am
by sheekh-Farax-zero
masha-allaah way duushay

Re: Muj silanyo willl go tomorow to lascanood

Posted: Thu Jan 01, 2009 5:41 am
by The_Emperior5
war may duushay baad sheegeysa
war intay duushay aya sabaca samawaat soo tabaatay