Garaad Kayse Cali Garaad

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Adan_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1237
Joined: Fri Feb 25, 2005 12:46 pm

Garaad Kayse Cali Garaad

Post by Adan_1 »

“Dalkayagu Waa Somaliland oo Dhib iyo

Dheefba aanu la Wadaagnaa” Garaad Kayse Cali Garaad



Badhan (Waaheen) Garaad Kayse Cali Garaad oo ku sugan Degmada Badhan ayaa Jawaab kulul ka bixiyey hadalo shalay ka soo yeedhay Isimo sheegtay inay yihin reer Puntland, kuwaas oo hadaladooda laga sii daayey Idaacadda BBC-da, iyagoo ku dooday in gobolada Sool iyo Sanaag ay ka tirsanyihiin Puntland.

Garaadka oo xalay khadka Telefoonka ugu waramayey Waaheen, waxa uu hadaladaasi ku tilmaamay kuwo aan macno lahayn oo ay wataan niman dano gaar ah lihi.

Garaadku isaga oo arimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Aniga oo ku hadlaya Magacayga iyo ka bulshada gobolka Badhan, waxaan halkan ku cadaynayaa in nimanka Garoowe ka hadlay ee sheeganaya inay Isimo u yihiin Sanaag, aanay Gobolkan iyo bulshadaba aanay metelin ee ay wataan fakir khaldan, anagaa joogna oo waligayo joognay, arimihii Diiwaangelintana anagaa si wanaagsan u hir galinay, dalkayagu waa Somaliland, dhib iyo dheefna walaalahayaga JSL ayaanu la wadaagnaa, qoladaa reer Majeerteeniyana waxaanu uga digaynaa faragalinta dhulkayaga oo wax haka qabtaan Budhcad badeeda iyo aafooyinka haysta”

Nimankaa sheegtay Issimadu waxa ay si gaar ah uga jaabeen waraysi lala yeeshay wasiirka arimaha dibada ee Somaliland oo sheegay in gobollada sool iyo Sanaag ay waligood ka tirsanaayeen JSL, waxaanay sheegeen in dhulkooda iyo dalkoodu ayna ahayn dhaxal Ingiriisku bixin karo.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sanaag”