Sida ay Geeska Afrika u sheegeen dad goob joog ahaa, daayeerka ayaa haweenayda oo maraysay birhiiska Hargeysa dushiisa waxa uu kala booday telefoonkeeda, waxaanu si toos ah ugula dhaadhacay dooxa ka hooseeya biriishka, "Iyadoo ciyaal eryanayo ayuu arkay gabadha oo telefoonkeeda haysata, dabadeedna wuu ka dhuftay waxaanu ula dhaadhacay dooxa." Sidaas waxa yidhi wiil dhallinyaro ah oo markaas haweenayda u dhawaa, waxaanu sheegay inay iyagoo dhawr ah isku dayeen inay eryadaan, ''Laakiin." Ayuu yidhi, "Waxa uu la galay dooxa iyo beeraha dhexdooda, waanu naga dhuuntay."
Goob joogahani waxa uu sheegay in dad dhawr ahi isku dayeen inay garaacaan nambarka telefoonka uu xaday, "Telefoonkii wuu dhacayaa, waanan weynay meel uu la galay oo wuu baxsaday." Ayuu goob jooguhu yidhi.
Biriishka Hargeysa ayaa markii uu falkaasi dhacay waxa dushiisa iyo haweenaydiiba ku xoomay dad tiro badan oo ka fajacay daayeerka ku biiray tuugta telefoonada la baxsata. Dhawr bilood ka hor ayaa waxa magaalada Hargeysa ka dhacay fal noocan oo kale ah oo uu daayeer kula baxsaday telefoon gacmeed dabadeedna uu la dul fuulay guri dushii, kaas oo markii la garaacay nambarkii telefoonkana inta uu agtiisa dhigay ka ag qabsaday ciyaar, isaga oo u jiibanayay jalaska telefoonka ku soo dhacayay. Laakiin, markii dambe waxa lagu guulaystay in moobilkaas laga soo dhiciyo. Hase yeeshe falkan uu daayeerkani habeen hore kula baxsaday telefoonka haweenaydaas ayaa dadkii birhiishka xilligaas marayay ku abuuray amakaag.
Source: http://www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa