XIISAD DAGAAL OO KA TAAGAN DEGAAMADA WAQOOYIGA GABILEY

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Adan_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1237
Joined: Fri Feb 25, 2005 12:46 pm

XIISAD DAGAAL OO KA TAAGAN DEGAAMADA WAQOOYIGA GABILEY

Post by Adan_1 »

Jan 14 2009Gabiiley (saraarnews)Ciidan beeleedyo ka tirsan deegaanada Gobolada Gabiley iyo Awdal ayaa dagaal ku dhexmarayaa deegaanada waqooyiga Gobolka Gabiley.
Maalmahan danbe waxaa soo baxayay wararka sheegaya in dagaalo hor lihi ay kasoo cusboonaanayaan deegaano ka tirsan Gobolka Cusub ee Gabiley. Dagaalkan oo la sheegay in duulimaadka ay soo qaadeen ciidan beeleed ka yimid deegaanada gobolka Awdal ayaa aan ilaa iyo hada lahaynin wax khasaare ah oo kala gaadhay labada dhinac.

Dagaalkan ayaa wuxuu si toos ah u bilaabmay shalay subax ilaa galabnimadiina wuu socday iyagoo labada dhinacba ay sheeganayaan guulo ayaan ilaa hada lahaynin khasaaraha meesha ka dhacay inta uu leegyahay.

Dagaalkan oo ah dhul la isku haysto ayaa soo noqnoqonayay ilaa 1993kii kaasi oo aan dawlada Somalilandna ay ka gaabsatay, marka ay soo hadal qaadaana ay yidhaahdaa xuduudaha Somaliland waa kuwii Lixdankii.

Dagaalkan wuxuu daba socdaa dagaal dadka deegaankaasi iyo ciidan beeleed ree Awdal ah iyo ciidan booliska oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha (Cirro) ku dhex maray deegaanadaasi wakhtigii ay diiwaangalinta socotay.

Source: gabiiley.net
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”