Shiskabab kill the best Ogaden in Kismayo
Posted: Thu Jan 15, 2009 5:51 pm
AUN Waldirie. he was good guy
Dil aad u fool xun ayaa caawa loo gaystay C/raxmaan Waldiire oo si weyn looga yaqaanay magaalada Kismaayo iyo gobolka Jubada Hoose oo dhan, dilka C/raxmaan waxaa la sheegay inay ka danbeeyeen koox ku hubaysan bastoolado.
Allaha u naxariistee C/raxmaan Waldiire ayaa u geeriyooday rasaastii ay kooxahaasi la dheceen, mana jirto cid garatay kooxdii dilka Waldiire ka danbeysay, marxuumku wuxuu kamid ahaan jiray xubnihii ka dhexmuuqday maamulkii Kismaayo ka talin jiray ee lagu magacaabi jiray Isbahaysiga Dooxada Juba.
Lama yaqaan sababta keentay in Waldiire oo mudo ku sugnaa Kismaayo Caawa la dilo waxaana naloo cadeeyey in haatan uu saaran yahay dhagaxa maydka lagu dhaqo ee isbitaalka Kismaayo, ma jirto wax war oo intaas dheer oo laga hayo dilka Allaha u naxariistee C/raxmaan.
Sidan oo kale waqti haatan laga joogo 7 bilood waxaa dil fool xun oo sidan oo kale gaadmo ahaa Kismaayo loogu gaystay Allaha u naxariistee wariye Nasteex Daahir Faarax oo wariye si weyn loo xasuusto ka ahaa meelo badan, walina lama hayo cidii dilkaas ka danbeysay iyo kuwa kale oo tira badan.
Dilka caawa loo gaystay Waldiire wuxuu kusoo beegmay iyadoo uu maalmo kahor uu ku dhawaaqay xildhibaan Bare Hiiraale inuu aadi doono magaalada Kismaayo oo haatan kahor laga soo saaray, kuna sugan yihiin kooxda Al-Shabaab, Walidiire oo ay saaxiibo isku dheer ahaan jireen Bare lama yaqaan in hadalkaas kasoo yeeray dartiis loo ugaarsaday.
Samadoon Gedonet Muqdisho.
http://www.gedonet.com/index.php?news=4395