Ciidamada Ethiopia oo Masaajid kala baxay 20 qof degmada B/d

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
new-york24
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2800
Joined: Tue Aug 19, 2008 2:00 am
Location: HAGARDAAMO GUMAYSI HALGAMAA WAX MA YEESHO

Ciidamada Ethiopia oo Masaajid kala baxay 20 qof degmada B/d

Post by new-york24 »

Posted by Gedo
Saturday, January 17 @ 02:44:18 EST



Warar lagu kalsoon yahay oo ay Gedoweb ka heshay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegayo in ciidamada Ethiopia shalay ay kala baxeen mid kamid ah Masaajidda ugu waa weyn degmada Baardheere dad gaarayo labaatameeya qof oo ku jiraan rag laga yaqaan magaaladaasi.



Warar ay aad Gedoweb u xaqiijisay oo ay na soo gaarsiiyeen dad deegaanka ayaa intaas ku darayo in 20 ruux oo kamid ahaa dad ku tukanayey Masjidul Nuur Salaadii Jimcaha ee shalay, kuna yaalla degmada Baardheere, gaar ahaan xaafadda Masawa ay la baxeen ciidamada Ethiopia kadib markii far ku fiiq ay ugu yimaadeen,ciidamada Ethiopia waxaa la socday ciidamo Somali ah.

Ragga la xirxiray waxaa ku jiray dad caan ka ah degmada Baardheere oo haba yaraatee aan ku lug laheyn siyaasadda Somalia sida naloo sheegay, kuwaasoo ganacsato deegaanka iska ahaa, kuna taxnaa Masjidka dadka laga qabqabtay.

Mid kamid ah dadkii ku tukanayey Masjidul Nuur oo si dirqi ah kaga badbaaday ciidamada Ethiopia, kana gaabsaday in magaciisa la soo daabaco ayaa Gedoweb telephone-ka Baardheere ugu sheegay in ciidamada Ethiopia ay hor boodayeen dad uu ku sheegay dabo-dhilifyo far ku fiiq wax uu ku tilmaamay ku jiray oo qof ay farta ku fiiqaanba ay la soo baxayeen.

Ma jirto cid arrimahan ka hadashay oo ka tirsan maamulka iyo ehelada dadka la xiray.

Waa markii ugu horeysay oo ciidamada Ethiopia ay dad ka xirxiraan degmada Baardheere oo rabashada ay ku sii kordhayaan tan iyo intii ay tageen ciidamada Ethiopia laba asbuuc ka hor.




Maxamed Cadaawe
Gedoweb
Ohio, Columbus.





whats going on here? are somalis in denial or is hiraale shifting the war from muqdisho to gedo?
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”