Barre Hiiraale oo cambaareeyay dilka Waldiire
Posted: Sat Jan 17, 2009 6:37 am
Xildhibaan Barre Aadan Shire Barre Hiiraale ayaa cambaareyn u jeediyay dilka loo geystay afhayeenkii Isbahaysiga Dooxada Jubba C/raxmaan Waldiire oo ay ciidamada Islaamigu ku dileen magaalada Kismaayo.
Korneyl Barre Hiiraale oo ku sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa beeniyay inay wax xiriir ah lahaayeen siyaasiga lagu dilay magaalada Kismaayo C/raxmaan Xaaji Axmed (Waldiire).
Waldiire waxaa la sheegay inuu la shaqeyn jiray Barre Hiiraale markii maamulkiisu uu ka talin jiray magaalada Kismaayo.
Korneyl Barre ayaa sheegay in dilka siyaasigaasi uu yahay mid sharci darro ah iyo dambi weyn oo la geystay.
Barre Hiiraale iyo ciidamo uu wato ayaa waxaa ay ku sugan yihiin degmada Baardheere ee gobolka Gedo isagoona wacad ku maray in uu weerari doono magaalada Kismaayo.
Waxa uu sheegay marka uu qabsado Jubaland in ciidamadiisu aysan ku dhaqaaqi doonin waxa ay sameeyeen ayuu yiri xoogagga hadda magaaladaasi haysta.
Wuxuu kaloo sheegay inuu ku dadaali doono in loo caqli celiyo dhalinyarada la baadiyeeyay, sida uu hadalka u dhigay