Another Day another war in Moqdisho
Posted: Tue Jan 20, 2009 3:02 pm
The TFG soldiers are getting attacked all over Moqdisho !
Talaado, January 20, 2009(HOL): Dagaal la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa haatan wuxuu ka socdaa Isgoyska Sanca oo kala qeybiya Degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Dagaalka oo madaafiicda la isugu adeegsanayo laga maqlayo meelo ka fog fog halka uu ka dhacayo ayaa wuxuu u dhaxeeya Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xoogagg hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dagaalka ayaa bilowday kadib markii gaari ay la socdeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si gaadmo ah u weerareen Xoogagga hubeysan, iyadoo kadibna uu dagaalka sii xoogeystay kagadaal markii ay gurmad heleen Ciidamadii Dowladda ee la weeraray.
Lama ilaa iyo haatan khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo weli socda, waxaase jirta in uu sameeyn ku yeeshay dad ganacsi ku heysta Isgoyska Sanca iyo kuwo deegaan ahaan u degan nawaaaxiga Isgoyskaas.
Dhanka kalena, Dagaal kale ayaa waxaa uu ka dhacay Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyo Ciidamada Maamullada Degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir iyo Xoogag ka amar qaata Jabhul Islaamiya.
Wixii warar ah ee ku soo kordha dagaalladan kala soco halkan haddii Alle idmo.