RASAAS XALAY IYO SAAKA BULSHADA BADHAMEED DHEGEHOODU MAQLAYEEN
Badhan:- Habeenimadii xalay iyo saaka ayaa bulshada ku nool magaalada Badhan waxay maqlayeen rasaas si goos goos ah uga dhacaysa dhanka W/Galbeed ee magaalada isla markaana khal khal gelisey amaanka magaalada iyo isu socodkaba.
Dadweynaha oo is weydiinaya sababta keentay rasaastan oo qaarkooda qoryo waaweyn ka dhacaysay ayaa waxa xog ururintii noqotay in magaalada ay yimaadeen koox ka socota maamulka Somaliland oo la sheegay iney fulinayaan tiro koobka bishii lasoo dhaafay ka dhacday qeyb yar oo ka mid ah Gobolka Sanaag oo aan laga hirgelin degmooyinka Badhan, Laasqoray, Xingalool iyo Dhahar.
Sababtaas darteed ayaa dhallinyaro kasoo horjeedda ay rasaasta cirka ugu ridayeen ilaa xalay, lamana sheegin ilaa hadda odayaal ama waxgarad u dhaq-dhaqaaqay arimahaas xallintooda.
Sidoo kale, waxa magaalada kusoo kordhay dhallinyaro gobolka u dhashay oo ka tirsanaa budhcad badeed maraakiib ku afduubtay xeebaha Bari ee Somalia, oo la yimid dhaqaale ay ku jaah wareeriyeen dadka isticmaala mukhadaraadka JAADKA iyo Maandooriyaasha kaleba taasoo cabsi gelisey bulshada xasiloonida ku jirtey.
Labadan arimood ee Budhcad badeedda iyo Somaliland ayaa u muuqda kuwo degaanka kusoo kordhiyey khalkhal iyo deganaansho la'aan.
LaasqorayNet
RASAAS XALAY IYO SAAKA BULSHADA BADHAMEED DHEGEHOODU MAQLAYE
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- neocon_2007
- SomaliNet Super
- Posts: 6154
- Joined: Wed Mar 07, 2007 12:37 pm
- Location: Raiding Garowe...
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: RASAAS XALAY IYO SAAKA BULSHADA BADHAMEED DHEGEHOODU MAQLAYE
wauw somaliland is in badhan damn walahi waanu foganay




-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 554 Views
-
Last post by Gamadid.
-
- 1 Replies
- 484 Views
-
Last post by eyes-only
-
- 45 Replies
- 2645 Views
-
Last post by hipsterrunoff
-
- 0 Replies
- 252 Views
-
Last post by Adan_1
-
- 0 Replies
- 382 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 31 Replies
- 1472 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 0 Replies
- 814 Views
-
Last post by gobdoon
-
- 38 Replies
- 20407 Views
-
Last post by peace-
-
- 6 Replies
- 711 Views
-
Last post by CaynabaX