“Isaaqu siday noogu liseen ugumaanu hambayn”

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Adan_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1237
Joined: Fri Feb 25, 2005 12:46 pm

“Isaaqu siday noogu liseen ugumaanu hambayn”

Post by Adan_1 »

“Isaaqu siday noogu liseen ugumaanu hambayn”

Aadan Diiriye Dixood

Doorashadii hore ee madaxweynenimada dalka ee 2003, aragrida Reer Awdal ahaan aan ugu codaynay M/weyne Riyaale waxay ahayd mid ku salaysan Gobalnimo, halka beelaha Isaaqa oo ugu aqlabiyad badan Somaaliland, isla markaana hore uga tirsanaa Ururkii SNM ee dalka xoreeyay, dagaaladuna ay dhex mareen beelaha darafyada xiligii lagu jiray halgankii dib u xoraynta dalka, ay cadaatay inay ka fayawyihiin xag-jirnimo Ka dhan ah beelaha darafyada. sidaas daradeedna ay iyagu aragti xisbi ahaaneed oo Dimuqraadiyadi ku dheehan tahay ugu codeeyeen M\Weyne Riyaale oo ka soo jeeda dhalasho ahaan Gobolka Awdal. Xataa murankii yaraa ee ka dhashay natiijadii codbixinta doorashada Waxay isku qanciyeen inay uga tanaasulaan M\wayne Riyaale, si loo muujiyo in lagu Wada qanacsanaado wax wada lahaanshaha guud ee ka dhaxeeya umada Somaaliland Oo dhan. si kastaba ha aahaatee, doorashadaasi waxay hoosta ka xariiqday Taariikh dhaxal gal ah oo u qorantay Gobolka Awdal , taasoo ah inuu yahay Gobolka uu ka soo jeedo M\waynihii ugu horeeyay ee Soomaaliland ee lagu soo doortay nidaamka Dimuqraadiyada xisbiyada badan, iyo inuu yahay Gobol laga soo doortay M\wayne kasoo jeeda Beelaha darafyada Somaaliland , sidaasoo ay tahay, hadana, Reer Awdal ahaan dhankayagu, Isaaqu sidii ay noogu Liseen Ugumaanu hambayn. Waayo, Waxa taa ka marag kacaya dhacdooyinka soo socda oo tusaale ahaan aan u soo qaatay , kuwaasoo muujinaya xagjirnimo Isaaq nacayb uu ku dheehan yahay.Matalan;

Markii sanadkii 2007-dii Golaha wakiilada Somaaliland ay hor joogsadeen Ansixintii Muuse Madoobe oo ka mid ahaa xubnihii loo Soo xulay Gudiga Komishanka Doorashada, waxaa dhacday inuu Cali Gabilay oo ka Tirsan Golaha Wakiilada ee Xisbiga Udub, kana soo jeeda dhalasho ahaan Beelaha G.Awdal lana rumaysan yahay inuu aad ugu dhaw dhaw yahay M\wayne Riyaale uu dhacdadaa kaga jawaabay ama ku tilmaamay inay tahay dhamaadkii Somaaliland, ayna haboontay in meesha(S\Land) lagu kala tago, mar hadii isaaqu Isku wada raacay diidmada ay diideen ansixintii xubin Reer Awdal ah.
Markii shicibka Reer Hargaysa ay ku diideen M\wayne riyaale inuu isagu Sababtiisa lahaa mudaharaadkii riiga ee ka dhacay hargaysa 07\07\008-da, kaasoo ay ku dhinteen 3 qof oo shicib ahaa oo ciidanka boolisku ay Shafka ka toogteen, waxa dhacday inay dad Reer Awdal ah oo ay isku beelyihiin M\wayne Riyaale, isla markaana ay aad iskugu dhaw dhaw yihiin , iyaguna isla Maalintii ku xigtay ay ka abaabuleen Boorama dhexdeeda mudaharaad ay kooxo Xamaasadaysnaa ay ku dhawaaqayeen Isaaq dooni mayno, Somaaliland dooni mayno, kuwaasoo ku gaaf- wareegay xafiisyada dawlada .
Mudadii ka dambaysay qaraxyadii 29\10\008-ka lala beegsaday saddexda Goobood ee ku yaala Hargaysa ee madaxtooyada somaaliland ka midka ahayd,
Waxa dhinaca G.Awdal ka soo shaacbaxay olole dacaayadeed oo lagu hadal Hayay, inay dadkii is qarxiyay oo doonayay inay dilaan M\wayne Riyaale ay dhamaantood Isaaq ahaayeen iyo inay maanta Isaaqu rabaan inay doorashada inagu soo socota ee 2009-ka ridaan M\wayne riyaale oo u dhashay Gobolka Awdal. ololahaas waxa waday taageerayaasha R.Awdal ee xisbiga UDUB oo ku dadaalay,sidii dib ay Ugu soo noolayn lahaayeen taageeradii loo malaynayay inay R\Awdal u hayeen M\wayne Riyaale oo meesha ka baxday.

Maalintii labaad ee diiwaangalintu ay ka socotay gobolka Sool ee taariikhdu ahayd 03\01\009ka, waxaa dhacday inuu dhinaca G.Awdal Xuseen Cawaale Warfaa oo ka tirsana beesha uu ka soo jeedo M\waye Riyaale uu ka dhawaajiyay, Inaanay Doorashada soo socotaa ka dhici doonin G.Awdal, hadii wax laga bedeli- Waayo natiijada hordhaca u ah diiwaangalinta codbixiyayaasha G.Awdal , taasoo Uu ku tilmaamay inuu u arko mid uu wado reer, reero kale tirakoobaya oo Markiisa badsanaya
Ugu danbayntii, Reer Awdal hal baan leeyahay, Beelaha badhtamaha soomaalilandna hal baan leeyahay. R.Awdal waxaan leeyahay, inagu ma dafaaci karno wakiilna kama noqon karno Madaxwayne Qaran oo wax qabadka lagu xasuusan karaa uu yahay oo keliya, inuu dadkii soo doortay Gobol Gobol isugu diro iyo inuu u sii kala Qayb qaybiyo ardaa ardaa hoose oo aan loo baahnayn . Sidaas daraadeeda, doqoniimo ayay inagu tahay inaan Madaxwayne Riyaale awgii colaad iyo Codaw tinimo aan loo baahnayn u tusno dadwaynaha reer soomaaliland ee kale, gaar ahaan Beesha Badhtamaha( Isaaq). Mana aha inaynu sida dhalaanka Usha biyaha la dhacno ee waa inaynu cabashadeena sida ugu haboon u sheeganaa.
Beelaha badhtamaha somaalilandna waxaan leeyahay, falaadhi gilgilasho idinkagama go’aysoo dhibaatada sababteeda idinkaa iska leh, maadaama idinkoo ah aqlibiyada, isla markaana, waa sida aad hadalka u dhigtaane, wixii aad Ka dagaalanteen uu ahaa dhibaatooyinkii NSS-ta ee taliska Max’ed Siyaad Barre , hadana, aad doorashadii hore ee madaxwaynenimada Somaaliland ee 2003dii, idinku aad ku doorateen M\wayne Riyaale oo takhasuskiisa shaqo uu ahaa N,S,S,-nimo, taasoo la odhan karo, waa ta inoo keentay duruufaha qalafsan iyo marxalada adag ee dalku marayo waqtigan Xaadirka ah. sidaas daraadeed , idinkana doqoniimo ayay idinku tahay , ilduufkii Doorashadii hore ee2003dii aad sameysaan awgii, inaad ka calaacashaan duruufaha Qalafsan ee dalka iyo dadkuba kala kulmeen Madaxwayne Riyaale iyo xisbigiisa UDUB, Idinkoo maantaba codkiina dastuuriga ah ee aqlabiyada ah si nabadgalyo ah ugu ciil Bixi kara.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”