{Ceerigaabo} 25-1-09"Warar Naga soo gaadhaya Magaalada ku Taala Badhtamaha Gobolka Sanaag ee Ceelbuh ayaa sheegaya in Rasaas ay is waydaarsadeen Ciidamada Deegaanka Ceelbuh iyo kuwa ilaalo ka ahaa Gaadiid Xanbaarsanaa Sanaaduuqda Codbixinta Somaliland, qof Jooga Ceelbuh ayaa saxaafada u sheegay in mashaqadaasi dhacaday...........................
Sakariye Cabdi Sadexle oo ahaa Goob jooge Markaasi Falku dhacay ayaa Noo Xaqiijiyay inuu Hal ruux ku dhawaacmay Rasaastaasi ay Labada Garab isku Ridiin Ruuxaasi dhawaacmay ayaa Loo qaaday Cisbitaalka Magaalada Badhan si Halkaasi loogu Daweeyo.
Falkan ayaa yimi ka dib Markii ay saaka Hiirtii waa Bari Food is dareen Koox Hubaysan oo ah Ciidamada Deegaanka iyo Ilaalo la socotay Gadiid siday Sanaaduuqda Codadka ee Maamulka labaxay Somaliland, Ciidamada Deegaanka ayaa la sheegay inay ku Guulasyteen sidii Sanaaduuqdaasi dib loogu Celinlahaa dhanka Somaliland.
Wararka ayaa sheegaya inay Odayaasha Deegaanku wadaan Abaabul xoogan oo Amaanka Magaalada Lagu xoojinayo kuwaasi oo Haba Yaraatee diiday inay Somaliland Gobolka timaado.
Widhwidh Online News Desk..Media Center

