Puntland's new leaders want role in Djibouti peace process
24 Jan 24, 2009 - 8:30:50 AM
GAROWE, Somalia Jan 24 (Garowe Online) - The newly elected leadership in Somalia's Puntland regional authority wants the region to play a important role in the ongoing Somali reconciliation process in Djibouti, Radio Garowe reports.
In a letter issued Saturday, Dr. Abdirahman Mohamed "Farole," Puntland's new president, wrote that the regional government supports "any political and social reconciliation initiative for Somalia."
Puntland leaders: VP Shire [left] & President Farole/Puntlandgovt.com
The letter was addressed to UN Special Envoy to Somalia, Mr. Ahmedou Ould-Abdallah, who was specially thanked for his tireless efforts to achieve reconciliation and restore national order in the chaotic Horn of Africa country.
"Any appointment for the new parliament, allocated through the 4.5 scheme within the current Djibouti process and intended for the people of this part of Somalia, shall be forwarded to the administration and hence appointed by respective constituencies," read the letter.
Somali government officials (TFG) and opposition delegates (ARS) meeting in Djibouti are anticipated to expand the country's parliament, which will include representatives from an Islamist-dominated opposition faction. READ: Somalia's presidential election to be held in Djibouti
The new seats in parliament will be allocated through the 4.5 power-sharing formula, which divides power among the Somalis' four major clan-families and an alliance of minority clans.
The letter also noted that "the Puntland Administration and its people did not regard the 4.5 allocation system as fair," but regard that system as "shock-therapy" until a better system is developed.
The Puntland administration's new position vis-à-vis the Djibouti peace process might face resistance, mainly from ARS leaders who want to hand-pick lawmakers for the expanded parliament.
But Puntland President Farole's letter warns: "Any new members appointed through informal picks and without the consultation of the administration and its constituencies will not be recognized as legitimate representatives of our people."
Puntland Council of Ministers meet/Puntlandgovt.com
Meanwhile, Puntland's new Council of Ministers held the first official Cabinet meeting on Thursday in Garowe, the region's administrative capital.
The weekly meeting primarily focused on restructuring the security forces, applying the budget and preparing the government's four-year political program.
On security affairs, the ministries of Security, Internal Affairs and Information were instructed to work together.
Dr. Farole said an economic committee will be appointed soon to oversee the region's economic conditions, including assessing government revenue and expenditures.
The Council of Ministers formally decided to continue using the old budget until the Farole administration presents a new budget to parliament, officials said after the meeting.
Puntland's new leaders want role in djibouti 'peace' process
Moderator: Moderators
Re: Puntland's new leaders want role in djibouti 'peace' process
faroole stop compalaining mohamed abdi yusuf from awrtable will sit puntland position .
we know that puntland position is primier minist this primier minister will became mohamed abdi yuusuf and this is more information about him.
Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf wuxuu ku dhashay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug bishii Luulyo 1-deedii, sannadkii 1941-kii. Isagoo siddeed jir ah, bishii Oktoobar 5-teedii sannadkii 1949-kii waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dagaalkii la magac-baxay Dhagaxtuur ee dhex maray halgamayaashii SYL ee xornimo-doonka ahaa iyo gumeysigii Ingiriiska oo dalka haystay xilligaas. Dagaalkaas oo ka dhacay halka ay Xamar kaga taallo taallada Dhagaxtuur waxaa ku dhintay Allaha u naxariistee Cabdi Yuusuf Calijaah oo ahaa Maxamed Cabdi aabbihii oo wax yar ka hor markaas ka yimid Xarardhere, isagoo howlo ganacsi u joogay Xamar.
Sannadku markuu ahaa 1950-kii ayaa xubnaha SYL waxay go’aan ku gaareen in curradkii Cabdi Yuusuf oo ahaa Maxamed Cabdi la keeno Xamar, si wax loogu baro schoolkii hoose ee SYL ee waagaas ka dhisnaa Xamar. Maxamed Cabdi wuxuu halkaas ka soo dhigtay dugsiga hoose/dhexe, dugsiga sarena wuxuu ka baxay Scoula Commerciale Reggioneria Generale oo ku yiillay Xamar Jajab xilligii gumeysiga, isagoo kaddib ka mid noqday taageerayaashii SYL xilligii gumeysiga maadaama uu ku soo dhex barbaaray dhaqdhaqaaqii waddaniga ahaa. Xoriyaddii kaddib waxaa la siiyey billad dahab ah (geesi waddani) maadaama uu aabbihiis Cabdi Yusuf Calijaah uu u dhintey halgankii xornimo-doonka Soomaaliyeed awgeed.
Markii Soomaaliya ay xornimadeeda ka qaadatay gumeysiga wuxuu shaqo ka billaabay Wasaaradda Boostada qeybteeda garoonka diyaaradaha (airport). Wuxuu Maxamed Cabdi Yuusuf ku jiray dhallinyaradii ka soo horjeeday dowladdii musuqmaasuqa ku dhisnayd. Markii gumeysiga dalka laga saaray wuxuu ka mid noqday askartii ugu horreysay ee loo qaato Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo muddo yar markuu ku jirayna ka baxay kaddib markii uu la soo gudboonaaday xanuun gayeysiisay inuusan ka sii mid ahaan karin Xoogga Dalka.
Sannadkii 1969-kii markii Kacaanku ka dhashay Soomaaliya, waxaa uu ka mid noqday dhalinyaradii sida weyn u soo dhoweysay, isla markaana sida habsamida leh ula hanaqaaday, waxaana loo diray dalka Midowga Sofiyeeti, gaar ahaan magaalada Moscow oo uu kaga soo baxay Kuliyadda Siyaasadda iyo Falsafadda Hantiwadaagga Cilmiga ku dhisan sannadihii 1972-1974-kii.
Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf waxa uu markaas kaddib ka soo shaqeeyey goballada waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan Waqooyi Galbeed iyo Sanaag, wuxuuna ahaan jiray (pro) xafiiskii siyaasadda kacaanka laga fulinayey qaybta kicinta iyo wacyigalinta bulshada Soomaaliyeed.
1974-kii xilligii abaarta Dabadheer ku habsatay gobollada waqooyi Soomaaliya Maxamed Cabdi waxa uu ka mid noqday raggii dowladdii kacaanka u xilsaartay rarista iyo dib u dejintii ummaddii danyarta ahayd ee ku barakacday ama ku faqrisay abaartii ugu xumeyd ee Soomaaliya soo marta, waxaana la dejiyey qaybo ka mid Soomaaliya sida gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.
Sannadkii 1975-kii waxa u noqday Guddoomiyaha degmooyinka Cadale iyo Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaasna wuxuu dejiyey danyartii loo jiheeyey xagga kalluumeysiga badda. 1-dii Luulyo 1976-kii waxaa uu ka noqday xubin xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ee la oran jiray marka la soo gaabiyo (XHKH), isagoo ka mid ahaa ergadii shirka lagu furey ee ka timid gobolka Shabeellada Dhexe.
Sannadihii 1977-1979-kii waxa uu noqday Guddoomiyihii gobolka Shabeellada Dhexe iyo Duqii Magaalada Jowhar, halkaas oo uu dagaalki 1977-kii ka qayb qaatay, isagoo u diray dagaalka ciidan lagu qiyaasay 13,000 oo carbisan, kuwaasoo lagu xareeyey xerada Hiilweyne ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe. Ciidankaas oo ka koobnaa rag iyo dumar waxay ka qayb qaateen dagaalkii ugu dheeraa ee abid dhex mara Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxaa xusuus mudan in gobolka Shabeellada Dhexe ay xilligaas noqotay xarun lagu xareeyo maxaabiistii ciidammada Itoobiya ee lagu qabtay dagaalkaas oo gaarayey kumannaan askari.
Sannadihii 1980 illaa 1984-kii, waxaa uu noqday Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta iyo xildhibaan ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliyeed. Sannadihii 1984 illaa 1985-kii wuxuu ahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka. Sannadkii 1986 waxa uu noqday Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta. Sannadihii 1987 illaa 1989-kii waxa uu ahaa Wasiir Ku-xigeenka iyo Sii-hayaha Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta. Sannadihii 1989-kii illaa 1991 waxa uu ahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Isboortiga.
Sannadkii 1991-kii markii ay burburtay dowladdii Soomaaliya waxa uu Mudanuhu tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Sannadkii 1993-kii wuxuu ka qayb galay shirkii dib u heshisiinta Soomaaliyeed ee ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, wuxuuna ka mid noqday raggii loo soo xulay inay ka mid noqdaan wejiga labaad ee shirka iyo meesha lagu qabanayo, waxa looga wada hadli doono iyo ergada ka soo qayb galaysa sida loo qeybsanayo, shirkaasna wuu burburay kaddib markii la isku af-garan waayey qaabka loo wadi karo iyo cidda xaq u leh inay shirka ka soo qayb gasho.
Sannadihii 1994 illaa 2000 wuxuu ku noolaa dalka Holland. Sannadkii 2000 wuxuu ka qayb galay shirkii dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed ee lagu qabtay Carta, kaddib markii uu dowladda Jabuuti ka helay casuumaad. Wuxuu ku jiray xildhibaannadii loo soo xulay inay ka mid noqdaan baarlamaankii ku meel gaarka ahaa, isagoo loo doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka.
Sannadkii 2003 waxaa loo magacaabay inuu Ra’iisal Wasaare ka noqdo dowladdii ku meel gaarka ahayd ee Carte lagu soo dhisay. Bishii January 29-keedii sannadkii 2004 shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya ee Kenya ka socday wuxuu Maxamed Cabdi Yuusuf ahaa ergaygii u saxiixay dowladda ku meel gaarka ah heshiiskii taariikhiga ahaa ee ay dowladdu ku oggolaatay in Soomaaliya loo helo dowlad loo dhan yahay.
2004 waxaa uu mar labaad ka mid noqday xildhibanadii la soo xulay ee ka mid noqday Golaha Baarlamaanka Federaalka ku meel gaarka ah. Waxaa dadka ka faallooda siyaasadda Soomaaliya ay aaminsan yihiin in Maxamed Cabdi Yuusuf uu yahay muwaadin ka fog qabyaaladda, eexda iyo kala qoqobka. Waxaa la isku raacsan yahay inuu yahay nin istaahila inuu noqdo Hoggaamiyaha ummadda Soomaaliyeed, maadaama aysan jirin wax cuqdad ah oo ay bulshadu ka qabto shaqsi ahaan.
Mudane Maxamed Cabdi ayaa wuxuu caado u leeyahay in markuu ka hadlayo golayaasha looga wada hadlayo arrinta Soomaaliya uu u hiiliyo ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo xaqa la qariyo, uuna naqdiyo baadilka iyo beenta, wuxuuna soo bandhigaa kelmado kulul oo ay ka muuqato waddaniyad fogaatay iyo Soomaali jaceyl.
Maxamed Cabdi ma lahan wax balwad ah, waxaana uu xiiseya cayaaraha, isagoo taageero u ahaa kooxdii Howlaha Guud ee Jeenyo, mana ahan nin dadka Soomaaliyeed iska weyneysiiya. Dadka yaqaanna waxay u qaddariyaan sidii oday Soomaliyeed ahaan, waana hoggamiyaha keliya ee Soomaaliyeed ee aan lahayn jabhad hubeysan, isla markaana aysan u oolin wax isbaaro ah.
Marka uu ka hadlayo Baarlamaanka gudihiisa ama fadhiyada kale ee caalamiga ah ayaa dadku waxay u dhegeystaan si hal-haleel ah, maadaama uu yahay shaqsi ka nadiif ah is-dabamarin iyo ballan darro iyo mowqif la’aan. Maxamed Cabdi waa nin ku dheggan oo ku ad-adag mowqifkiisa, waana nin ku dhiirri-geliya ragga Soomaaliya ay u xayiran tahay inaysan xoog u adeegsan shacabka ee wax walba lagu dhammeeyo wada-hadal. Wuxuu Maxamed wax ku doonaa Soomaalinimo ku dhisan nabad iyo caddaalad, halka rag badan oo siyaasiyiin sheegta ay wax ku raadiyan reer hebel, jufo jufo iwm.
Mudane Maxamed Cabdi wuxuu ahaa maskaxdii ka dambaysay isku dubaridka iyo ururinta xildhibaannadii ku sugnaa magaalada Muqdisho, isagoo ahaa xildhibaankii ugu horreysay ee tagay Muqdisho, kana duulay Kenya. Wuxuu diiddanaa in dhibaatada Soomaaliya lagu shubo baasiin oo ay dalka soo galaan ciidamo safka hore ka socda, isagoo hoggaaminayey xildhibaannadii Muqdisho ka baxay ee tagay Baydhabo. Waxaa la yaab leh in xildhibaannada la socday Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf xilligaas ay gaarayeen 30 xildhibaan, Prof Geeddina ay la socdeen 20 xildhibaan, halka Mudane Maxamed Cabdi uu horkacayey xildhibaanno gaaraya 70 xildhibaan.
Waxaan Mudanaha oo ah nin dimoqraadi ah oo caddaaladda jecel ku dhiirri-gelinaynaa inuu sii xoojiyo halganka uu ugu jiro samatabixinta ummaddiisa, waxaana u rajeynayna inuu ummadda Soomaaliyeed u hoggaamin doono, una horseedi doono waddada nabadda, barwaaqada iyo baraaraha.
Waxaa diyaarisay warbixintan:
Center for Democracy and Justice
By Abshir Axmed Maxamed
Abshir111@yahoo.com

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 594 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 30 Replies
- 2592 Views
-
Last post by Somalistan
-
- 3 Replies
- 715 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 2 Replies
- 505 Views
-
Last post by Reer Burao
-
- 10 Replies
- 1796 Views
-
Last post by Daneysteyaasha
-
- 1 Replies
- 454 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 6 Replies
- 589 Views
-
Last post by Awraadle