Ethiopia attempting to hinder djabuti process

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

ahmed_gurey
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 518
Joined: Tue Jan 13, 2009 12:42 am

Ethiopia attempting to hinder djabuti process

Post by ahmed_gurey »

ONA - Jabuuti ; Itoobiya oo caaradsan habkuu u socdo shirka Jabuuti ayaa qorshaynaysa habkay u kala daadin lahayd

ONA - Jabuuti;
Wararka aan ka helayno ila wareedyo xog-ogaal u ah arimaha ka socda Jabuuti iyo xukuumadda Addisababa ayaa noo xaqiijiyay inay xukuumadda Zinawi aad uga soo horjeedsatay habkuu u socdo shirka Jabuuti iyo xukuumadda KMG ah ee laga soo dhisi doono.

Lixdii bilood ee ugu dambaysay waxay Itobiya ka shaqaynaysay siday u abuuri lahayd faraaq siyaasi ah inuu ka dhoco Somaliya. Waxay ku guulaysatay inuu M/W cabdulaahi Yusuf ka cararo dalka, sidoo kale inay maleesiyaad farabadan abuurto oo ku hardami doona xukunka.

Hadda waxay isugu keentay Doolow maalmihii la soo dhaafay rag ay ka mid yihiin M. dheere, Maxamuud Sayid Adan, Barre iyo kuwa kale. Waxaana la filayaa inay xeryo tababar uga furto halkaa maleesiyaad taabacsan ragaas oo ka hortagi doona xukuumadda lagu soo dhisi doono Jabuuti iyo wadaadada haday ku guulaystaan inay soo celiyaan xasiloonidii dalka.

Ururka IGAD oo ciidamadii badali lahaa kuwii Itobiya ee baxay ugu jira olole ayaa aad uga xumaaday arimaha ay wado Itobiya oo doonaysa inay fashilso dhamaan horumarkii sanadadii ugu dambaysay laga sameeyey xagga siyaasadda iyo nabadgalyada, iyadoo isu aragta in la khiyaanay.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”