General Morgan voices his concerns

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
gemini07
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7100
Joined: Fri Jan 18, 2008 9:44 am
Location: president of amiir faroole's fan club

General Morgan voices his concerns

Post by gemini07 »

Gen. Morgan oo dhaliilay shirka Jabuuti
29 Jan 29, 2009 - 1:10:28 PM



Murashax Gen. Max'ed Siciid Xirsi [Morgan] oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa dhaleeceyn u jeediyay shirka Jabuuti qaabka uu u socdo, isagoo sheegay in shirkaas waxa kasoo baxa ay Somalia u horseedi doonaan dagaalo sokeeye.

"Khaladaadka aan ku aragnay shirka Jabuuti waxaa ka mid ah inuu ku socdo si deg-deg ah, wuxuuna u muuqdaa mid dano gaar ah laga leeyahay" ayuu yiri Morgan oo u hadlayay xubno murashaxiin ah oo kulan gaar ah ku yeeshay Jabuuti.

Gen. Morgan ayaa dhawaan shaaciyay inuu yahay murashax u taagan xilka Madaxweynimo ee Somalia, isagoo qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu leeyahay khibrad uu kaga bixin karo Somalia dhibaatooyinka ku habsatay.

"Heshiiskii ay wada galeen DF iyo ARS, wuxuu qeexayay in Somalia loo dhiso madax cusub, sida: Madaxweyne, Gudoomiye baarlamaan iyo Ra'iisul wasaare, balse waxaa muuqata in jidkaas laga weecday" ayuu yiri Morgan oo sharaxayay dhaliilaha ay ku arkeen shirka Jabuuti.

Sidoo kale Gen. Morgan wuxuu si weyn u dhaliilay waqtiga la siiyay murashaxiinta doorashada u taagan, isagoo xusay inuu yahay waqti aad u gaaban, una muuqata in cid gaar ah loogu daneynayo.

"Baarlamaanku wuxuu go'aan ku gaaray in shan maalmood lagu daro xiliga doorashada, waxaase dib laga keenay inay doorashadu dhacayso Jimcaha, taasoo aan aad u dhaliilsanahay" ayuu yiri Gen. Morgan.

Wuxuu sheegay in cabashadooda ay u gudbiyeen xubnaha beesha caalamka ee shirka wada iyo saraakiisha xukuumada Jabuuti, isagoo xusay in qoraalkooda ay ku lifaaqeen mowqifyada ay shirka ka iska taageen Puntland iyo Somaliland.

Mar la weydiiyay Gen. Max'ed Siciid Xirsi [Morgan] inuu la shaqeynayo dowladii ka dhalata shirka Jabuuti ee uu dhaliilsan yahay qaabka uu u socdo, hadii isaga la dooran waayo, ayaa yiri:

"Hadii dowlada la dhiso ay noqoto mid u adeegaysa Somalia, iskuna keenaysa Somalida oo dhan, mucaaradkana raalligelin karta waan la shaqeynayaa, balse hadii laga waayo cadaalad iyo sinaan banaanka ayaan ka joogayaa".

Cabashadan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay oo kasoo baxday murashaxiin u taagan xilka Madaxweynenimo ee Somalia oo sanadkii hore uu baneeyay C/llaahi Yuusuf Axmed.

RADIO GAROWE
Advo
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 27096
Joined: Sat Mar 01, 2008 4:11 am
Location: ever green state

Re: General Morgan voices his concerns

Post by Advo »

lol


it's like anyone will listen to any of these old losers, a new age in SOMALIA!
surrender
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11194
Joined: Tue Jan 29, 2008 6:42 am
Location: "raganimo ninkaagii nacasnimo maxaa baday"

Re: General Morgan voices his concerns

Post by surrender »

^hope your right Advo.

geme H, all i can say is new government or old one, punland will do its thing!
Padishah
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2464
Joined: Sun Jan 07, 2007 9:10 am
Location: Ozzieland.

Re: General Morgan voices his concerns

Post by Padishah »

This guy is still alive and kicking? How perverse!
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”