Maamulka islaamiga ee gobolka J/hoose oo si weyn uga soo horjeestay dowladda cusub ee uu hogaaminayo madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Shirjaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen xarunta Magaalada Kismaayo maamulka islaamiga ee magaaladaasi gudoomiye ku xigeenka maamulka islaamiga ee magaalada Kismaayo Cabdi Qani Max’ed Yuusuf iyo madaxa warfaafinta sheikh Xasan Yacquub ayay kaga hadleen doorashadii madaxweynaha Soomaaliya loogu magacaabay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Maamulka ayaa waxaa uu si weyn uga soo horjeestay dowladda habeenkii jimcaha lagu yagleelay magaalada Jabuuti sida uu warbaahinta u sheegay gudoomiye ku xigeenka maamulkaasi C/qani Max’ed Yuusuf oo sheegay in dowladda Jabuuti lagu soo dhisay ay la mid tahay tii 2004-ta lagu dhisay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
C/qani ayaa waxaa uu intaa ku daray in Sheekh Shariif uu xiligii hore ku dhawaaqi jiray in la sii wado Jihaadka islamarkaana haatan uu ku biiray dowladii uu jihaadka kula jiray,waxaana uu intaa raaciyay in aysan jirin wax isbadal ah oo ku yimid dowladda KMG ah.
Maamulka islaamiga ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in uu sii socon doono dagaalka jihaadka ah,waxaana uu C/qani ugu baaqay shacbiga Soomaaliyeed in ay gacanka siiyaan sida uu yiri sidii dagaalka loo soo wadi lahaa.
Sidoo kale Sheeklh Xasan Yacquub oo ah madaxa warfaafinta maamulka islaamiga ee magaalada Kismaayo oo isna shirkaasi jaraa’id ka haadlay ayaa si weyn u weeraray siyaasada beesha caalamka eek u aadan Soomaaliya isagoo xusay in beesha caalamku ay ku fashilantay siyaasada Soomaaliya taasi oo cadayn u ah buu yiri in markasta ay soo dhisaan dowlad aysan shacbiga Soomaaliyeed ku qanacsanayn oo waqtiga looga luminayo.
Arintaan ayaa waxaa ay noqonaysaa diidmadii ugu horeysay ee ka soo yeertaa qaar ka mid ah maamulada islamiga taasi oo ka dhan ah madaxweynaha la doortay ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo dowladiisa.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
iiidoor uun ba somaliya qassaya been maha

