Page 1 of 1

Dagaalo Xoogan oo ka Socda Wardheer ..........

Posted: Sun Feb 01, 2009 6:30 am
by ahmed_gurey
Dagaalo Xoogan oo ka Socda Wardheer Iyo Magaalada Wardher oo Gabo Gabo ah

Wararka naga soo gaaraya Gobalka Wardheer ee Soomaalida Ogaadenya ayaa tibaxaya in Dagaalo xoogaan oo u dhaxeeya Ciidamada Jabhada ONLF iyo Ciidamada Itoobiya ay ka socdaan Aaga Wardhher.

Dagaaladan ayaa qaasatan ka socda tuulada Wacdi iyo Jinoole halkaas oo mayd badan oo ka Tirsan Ciidamada Tigreega la keenay Magaalada wardheer sidoo kale Dad gaaraya ilaa 56 Odey dhaqameed ayaa lagu xirey magaalada wardheer.

Dhaq-dhaqaaqa Magaalada ayaa ah mid aad u yar halkaas oo saan saan colaad uu ka jiro guud ahaanba Ogaadenya gaar ahaana Gobalka Wardheer.

Waxii war ah ee ka soo Kordha kala soco ONA.

Re: Dagaalo Xoogan oo ka Socda Wardheer ..........

Posted: Sun Feb 01, 2009 7:31 am
by Queen_Arawello
Wardheer is a big city ONLF have captured it in the past..they going to repeat it again :up: