Axad, 1, Febaraayo, 2009 (HOL): Sida ay Xaqiijinayaan gadiidleyda ku Safarta wadada isku xirta Goballada dhexe waxaa siweyn u soo buuxdhaafiyay deegaanka Kala-beyr ee Goballka Hiiraan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo talaabay xadka Goballku uu la wadaago dhulka Isaamulka Soomaalida Itoobiya.
Ciidamada ayaa markii ay soo gaareen deegaanka Kala-beyr waxaa ay markiiba isku fidiyeen dhamaan deegaanada ku dhaw dhaw, waxaana wararku intaa ku darayaan in Ciidamada Itoobiyaanku ay wehliyaan qaar ka mid ah Ciidamada Maamulkii hore ee Goballka.
Lama oga ilaa hadda sababta rasmiga ah ee ka danbeysa in Ciidamadu gudaha u galaan Goballka Hiiraan, Inkastoo sida wararku sheegayaan Saacado ka hor inta aysan Ciidamadu soo gaaarin deegaanka Kala-beyr in halkaa ay ka gudbeen Xoogagga ka tirsan dhalinyaro Diimeedka Al-shabaab kuwaa oo ku sii jeeday dhinaca Goballka Gal-gaduud.
Dhowr jeer oo hore ayeey sidan oo kale Ciidamadu fariisimo ka sameyteen Kala-beyr iyo deegaanada ku dhow dhow walow mar walba haddana ay dib ugu laabanayeen dhinaca gudaha Itoobiya , waxaana xusid mudan in soo galitaanka Ciidamada Itoobiyaaku ku soo beegantay xili maalin uun ka hor dalka Jabouti lagu caleemo saaray Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha dalka Soomaaliya isaga oo ila maanta u dhoofay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
C/raxmaan diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somali
Why would they leave?
