Page 1 of 1

Amxaaro still in Somalia

Posted: Sun Feb 01, 2009 7:26 am
by AhlulbaytSoldier
Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaray deegaanka Kala-beyr ee Gobolka Hiiraan

Axad, 1, Febaraayo, 2009 (HOL): Sida ay Xaqiijinayaan gadiidleyda ku Safarta wadada isku xirta Goballada dhexe waxaa siweyn u soo buuxdhaafiyay deegaanka Kala-beyr ee Goballka Hiiraan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo talaabay xadka Goballku uu la wadaago dhulka Isaamulka Soomaalida Itoobiya.

Ciidamada ayaa markii ay soo gaareen deegaanka Kala-beyr waxaa ay markiiba isku fidiyeen dhamaan deegaanada ku dhaw dhaw, waxaana wararku intaa ku darayaan in Ciidamada Itoobiyaanku ay wehliyaan qaar ka mid ah Ciidamada Maamulkii hore ee Goballka.

Lama oga ilaa hadda sababta rasmiga ah ee ka danbeysa in Ciidamadu gudaha u galaan Goballka Hiiraan, Inkastoo sida wararku sheegayaan Saacado ka hor inta aysan Ciidamadu soo gaaarin deegaanka Kala-beyr in halkaa ay ka gudbeen Xoogagga ka tirsan dhalinyaro Diimeedka Al-shabaab kuwaa oo ku sii jeeday dhinaca Goballka Gal-gaduud.

Dhowr jeer oo hore ayeey sidan oo kale Ciidamadu fariisimo ka sameyteen Kala-beyr iyo deegaanada ku dhow dhow walow mar walba haddana ay dib ugu laabanayeen dhinaca gudaha Itoobiya , waxaana xusid mudan in soo galitaanka Ciidamada Itoobiyaaku ku soo beegantay xili maalin uun ka hor dalka Jabouti lagu caleemo saaray Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha dalka Soomaaliya isaga oo ila maanta u dhoofay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

C/raxmaan diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somali



Why would they leave? :lol:

Re: Amxaaro still in Somalia

Posted: Sun Feb 01, 2009 7:35 am
by Diyeeshaha_Tolka
i think this is the reason why the came back to kalabeyr,,,,
Ku soo noq noqoshada ciidamada Ethiopia isgoyska Kalabeyrka degmada Jawiil ee gobolka Hiiraan ayaa wararku waxaa ay sheegayaan in ay la xarirto cabsi ay ka qaabaan in xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda ay degmada Jawiil ka soo galeen dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia iyadoo xili sii horaysayna ay xoogaga muqaawamadu weerar hoobiyaal ah ku qaadeen fariisin ciidamada Ethiopia ay ku lahaayeen degmada Feer Feer ee dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Re: Amxaaro still in Somalia

Posted: Sun Feb 01, 2009 7:36 am
by Addoow
Hutu
As long as you dont have a strong army to protect your territory,then it is expected that you will be transpassed.
we should clear out shit and form a national army to guard our motherland.
vivo shiikh sharif :som:

Re: Amxaaro still in Somalia

Posted: Sun Feb 01, 2009 8:25 am
by Son_of_Somalia
I agree with Addoow

Viva Sheikh Sharif :up: