Page 1 of 1

War Deg Deg ah:Waxaa Is Casilay Guddoomiyihii Doorashooyinka

Posted: Sun Feb 01, 2009 7:41 am
by Adan_1
War Deg Deg ah: Waxaa Is Casilay Guddoomiyihii Doorashooyinka Somaliland iyo Gudd. Diiwaangelinta.



Waxaa maanta is casilay guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland, mudane Maxamed Ismaacill Kabaweyne iyo Guddoomiyaha Guddida diiwaangelinta Ismaacil Muuse. Labadaas masuul waxay u gudbiyeen is casilaadooda dhamaan hay’adaha ay khuayso iyo axsaabta qaranka oo ay si buuxda ugu wargeliyeen is casilaadooda.

Weli saxaafada uma ay sheegin waxa keenay iscasilaadooda, mana jiraan wax shir jaraa’id ah oo ay qabteen, waxaase ay sheegayaan wararku tibaaxayaan in labada masuul is-casilaadooda uu ka danbeeyo Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin.

Si aad ah ayaa looga dareemay is casilaadooda dalka Somaliland, iyada oo loo arko in ay tahay qorshe lagu waxyeelaynayo doorashooyinka la rabo in la qabto ee dalka Somaliland la fialyo in ay ka dhacayso bisha March ee 2009.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Somalilandfuture Online

Liibaan Maaweel Shire.
Hargeysa