






Odayasha beesha Habargidir ayaa ku baaqay in la taageero sheikh Shariif waxaana ay ku baaqeen in la joojiyo dagaalada gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Kadib kulan ay hogaanka Beesha Habargidir ku yeesheen magaalada Muqdisho oo ay uga hadlayeen arimo dhowr ah ayeey ku taageereen doorashadii sheikh Shariif Shiikh Axmed loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya.
Waxaa ay odayaasha ugu baaqeen sheikh Shariif Madaxweynaha Soomaaliya in uu ku dadaalo arimaha dib u heshiisiinta iyo sidoo kale in uu ka dhabeeyo ku dhaqanka Shareecada islaamka.
Sidoo kale odayaasha beesha Habargidir waxaa ay ku baaqeen in la joojiyo dagaalada ka dhacaya gobolada Dhexe ee dalka gaar ahaan degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Hadalka ka soo baxay odayasha beelaha Habargidir ayaa waxaa uu imaanaya xili dhawaan Shiikh Shariif loo doortay Madaxweynaha dalka Soomaaliya isla markana dhawaan dagaalo dad badan ay ku dhinteen uu ka dhacay degmada DhuusaMareeb ee gobolka Galagduud kaasi oo u dhexeeyay xoogaga Al shaaab iyo Ahusuna Waljameeca
Shabelle Media Network - Source of Somalia News