Page 1 of 1

Odayasha beesha Habargidir oo ku baaqay in la taageero sheik

Posted: Sun Feb 01, 2009 12:07 pm
by The_Patriot

--------------------------------------------------------------------------------

Odayasha beesha Habargidir oo ku baaqay in la taageero sheikh Shariif kana digay dagaalada gobolada Dhexe.
Posted: 2/1/2009 3:18:00 PM
Shabelle: MUQDISHO


Odayasha beesha Habargidir ayaa ku baaqay in la taageero sheikh Shariif waxaana ay ku baaqeen in la joojiyo dagaalada gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.



Kadib kulan ay hogaanka Beesha Habargidir ku yeesheen magaalada Muqdisho oo ay uga hadlayeen arimo dhowr ah ayeey ku taageereen doorashadii sheikh Shariif Shiikh Axmed loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya.



Waxaa ay odayaasha ugu baaqeen sheikh Shariif Madaxweynaha Soomaaliya in uu ku dadaalo arimaha dib u heshiisiinta iyo sidoo kale in uu ka dhabeeyo ku dhaqanka Shareecada islaamka.



Sidoo kale odayaasha beesha Habargidir waxaa ay ku baaqeen in la joojiyo dagaalada ka dhacaya gobolada Dhexe ee dalka gaar ahaan degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud.



Hadalka ka soo baxay odayasha beelaha Habargidir ayaa waxaa uu imaanaya xili dhawaan Shiikh Shariif loo doortay Madaxweynaha dalka Soomaaliya isla markana dhawaan dagaalo dad badan ay ku dhinteen uu ka dhacay degmada DhuusaMareeb ee gobolka Galagduud kaasi oo u dhexeeyay xoogaga Al shaaab iyo Ahusuna Waljameeca



Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.



Dhageeyso Wararka 1:30-duhurnimo Maalin waliba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.







Shabelle Media Network - Source of Somalia News






Re: Odayasha beesha Habargidir oo ku baaqay in la taageero sheik

Posted: Sun Feb 01, 2009 12:09 pm
by The_Patriot
They think that the Sharif will give them the Title deed to S/hoose and franchise the Isbaaro enterprise.

Re: Odayasha beesha Habargidir oo ku baaqay in la taageero sheik

Posted: Sun Feb 01, 2009 12:09 pm
by Captain24
It's not like they have other choices, they have nothing so they have to support what's there.Their main problem was A/Y and now he's gone :up: :som:

Re: Odayasha beesha Habargidir oo ku baaqay in la taageero sheik

Posted: Sun Feb 01, 2009 3:14 pm
by Murax
The_Patriot wrote:They think that the Sharif will give them the Title deed to S/hoose and franchise the Isbaaro enterprise.

:lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:


This Caghdeers hilarious