Imam of khawarij sect calls to fight Sh.Sharif

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Imam of khawarij sect calls to fight Sh.Sharif

Post by AhlulbaytSoldier »

Masjidka Abuu-Hureyra oo laga shaaciyay in lala dagaalamo Dowladda Sheekh Shariif uu hoggaamiyo.
waxaa la daabacay Sun 01 Feb 2009 02: 14: 07
Masjidka weyn ee Abuu-hureyra ee kuyaalla suuqa Bakaaraha ayaa maalintii shalay Salaadda Duhur kadib waxaa ka istaagay wadaad aanan iminka dooneynin Magaciisa in aanu shaacino.
Wadaadkaasi ayaa waxa uu sheegay in dowladda uu hoggaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay tahay dowlad xadka ka gudubtay isla markaasina Gaalo ay wataan sidaasi daraadeed ay tahay in aanan la taageerin.



Sidoo kale waxa uu ku baaqay wadaadkaasi in lala dagaalamo dowladda Sheekh Shariif sidii loola dagaalamayay Ciidamadii Wayaanaha (Tikreega) ahaa ee dalka laga saaray.



Keliya kuma eka Masjidkaasi sidoo kale waxaa jira Masaajid kale oo Masaajid kale oo kuyaalla Suuqa Bakaaraha oo inta badan lagu fadeexeysto Culumaa’udiinka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa taageersan Sheekh Shariif iyo Dowladdiisa.



Lama garanayo waxa keenay in Masaajidda ugu waaweyn Suuqa Bakaaraha ay mar waliba ka dhacaan arrimahani iyadoo awood looleeyahay in inta loo tago si toos ah wax loogu sheego kadibna la iska qanciyo waxyaabaha qaladaadka ah ee jira.



Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa horey u shaaciyay in Dowladdiisa ay kow ka tahay waxa ay kudhaqmeyso ilaalineysana Shareecada Islaamka.










QAADISIYA WAA XARUNTA NOOLEYNTA DHAQANKA ISLAAMKA.
MAAMULKA SHABAKADDA ISLAAMIGA AH EE QAADISIYA
KALA SOO XIRIIR : QAADISIYA_EDITOR@HOTMAIL.COM



http://www.qaadisiya.com/view.php?id=2059
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”