
bal wiilkaan sbx eh o soo duceeya

Wiil lagu magacaabo Aadan Cali Ibraahim oo degen Degmada Kaaraan ayaa Waashay kadib markii walaalkii Cabdi Cali Ibraahim uu soo guursaday gabar uu si aad ah u jeclaa.
Aadan ayaa hadda la geeyey meel Qur’aan saar ah oo lagu Qur’aan saarayo si looga dabiibo dhacdada ku dhacday wiilkooda, wararka waxay sheegayaan in waalidka xitaa ay ka xumaadeen arrinta ay ku dhaqaaqday Abyan oo dood dhex gelisay Qoyskaasi.
Sida wariyaheena Magaalada Muqdisho ay u sheegeen dad la qaraabo ah wiilkaasi Cabdi Cali Ibraahim ayaa soo masaafaystay Abyan oo ay is barteen kuna heshiiyeen in ay is masaafeystaan, kadibna si boob ah ku keensaday gurigiisa.
Walaalkiis Aadan Cali Ibraahim oo aan u warheyn gabadha walaalkiis uu soo boobay inay tahay Abyan ayaa Subaxdii markii uu soo toosay isagoo Suuliga raba inuu galo ayaa waxaa ka hortimid oo hortiis Suuliga ka soo baxday Abyan islamarkaana qaracmay.
Aadan Cali Ibraahim ayaa ka bixi waayay ereyo ay ka mid ahaayeen “Macquul ma ahan…Abyan Suuragal ma ahan Meeyey Jacaylkii Abyan” ereyadaas iyo ereyo kale ayaa la sheegay in ilaa iyo hadda ay afkiisa ka bixi la’yihiin Aadan Cali Ibraahim