President Faroole visits Qardho

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
gemini07
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7100
Joined: Fri Jan 18, 2008 9:44 am
Location: president of amiir faroole's fan club

President Faroole visits Qardho

Post by gemini07 »

Madaxweynaha Puntland oo si diiran loogu soo dhaweeyey Qardho
Monday, February 2nd, 2009 at 1:37 pm
Horseed Media
Qardho, Puntland

Waxaa maanta soo gaaray magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Madaxweynaha ayaa waxaa magaalada si diiran ugu soo dhaweeyey shacabka iyo waliba maamulka gobalka iyo Degmada.

Madaxweyne Faroole oo la kulmay odayaasha iyo siyaasiyiinta gobalka ayaa ka hadlay safarkiisa asagoo sheegay in u yimid magaalada Qardho inuu u kuur galo xaalada gobalka iyo waliba wadatashi.

Madaxweyne Faroole ayaa ka hadlay sidii wax loogu qaban lahaa magaalada Qardho oo uu sheegay inay tahay magaalo Taariikhi ah oo horey maamuladii jiray ay uga gaabiyeen inay wax u qabtaan.

Madaxweynaha ayaa hada galay kulamo iyo wadatashiyo uu la yeelanayo maamulka gobalka, degmada, siyaasiyiinta, iyo Odayaasha ku sugan magaalada Qardho.

Waa safarkii ugu horeeyey oo uu gudaha Puntland ku sameeyo Madaxweynaha cusub ee Puntland tan iyo intii xilka loo doortay bishii lasoo dhaafay ee Janaayo.

Maalmihii lasoo dhaafay ayey magaalada Qardho ka socdeen kulamo ay ku arrinsanayaan beelaha ku dhaqan Gobalka Karkaar oo Bayaan shalay ay soo saareen ku sheegeen inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin maamulka cusub ee Dr.Faroole.

Ka filo Horseed Media haduu eebo idmo sawiro iyo warbixino dheeraad ah oo la xariira safarka Madaxweyne Faroole ee magaalada Qardho.

Source: Horseed Media

:up: :up: :up:
User avatar
gemini07
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7100
Joined: Fri Jan 18, 2008 9:44 am
Location: president of amiir faroole's fan club

Re: President Faroole visits Qardho

Post by gemini07 »

Beesha Cismaan Maxamuud oo Bayaan kasoo saartay Puntland iyo Jubbaland

Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar ayaa shalay lagu soo gaba gabeeyey shir ay beesha Cismaan Maxamuud halkaa ku yeelatay oo socday 30kii illaa 31kii bishii Janaayo.

Kulankaasi ayaa waxaa laga soo saaray Bayaankan hoos ku qoran:

BAYAAN KA SOO BAXAY SHIRKA BEESHA CUSMAAN MAXAMUUD

Isimo, cuqaal, siyaasiyiin,ganacsato, culamaa’udiin,aqoon-yahanno iyo xubno kale oo ka tirsan beesha Cusmaan Maxamuud waxay January 30-31, 2009 Qardho ku yeesheen shir wada-tashi.

Doodo badan iyo fikrado la is-weydaarsadey ka dib waxaa shirka ka soo baxay go’aamada iyo talooyinka soo socda:


Arimaha Diinta
Waxay Beesha soo jeedinaysaa ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo xoojinta tarbiyada milladda diinta Islaamka



I. ARRIMAHA SIYAASADDA

1. Beeshu waxay si buuxda u taageereysaa maamulka D/Goboleedka Puntland iyadoo si hagar la’aan ah hiil iyo hooba la garab taagan si loo xaqiijiyo loona gaaro himilada muddada dheer ee shacabka Puntland.

2. Beeshu waxay dowladda u soo jeedineysaa dhammaystirka tallaabooyinka ku aaddan hirgelinta hannaanka dimoqraadiyeynta maamulka iyo is-xukunka dadweynaha, taasoo ballan-qaad u ah taabbagelinta maamul dimoqraaddi ah oo muunad iyo tusaalaba u noqda qaybaha kale ee Soomaaliya.

3. Beeshu iyadoo la dareen, aragti iyo mowqifba ah dhammaan beelaha Puntland, iyadoo dhan kalena ka duuleysa xaqiiqada ah in reer Puntland iyo bulshada Juba/Land ay yihiin isir-wadaag isku-dan iyo masiirba ah waxay ku talinaysaa:

3.1, In ay caddaalad, nabadgelyo iyo xasilooni ka hirgalaan iyadoo la
sugayo in dadka degaamadaasi ay aayahooda ka taliyaan.

3.2, In uu degaankaas ka taabbagalo nidaam maamul oo hanta
barnaamijyada horumarinta, la-dagaallanka xaalufka iyo guud
ahaan daryeelka iyo sare u qaadista nolosha dadweynaha.

3.3, Si loo fuliyo ujeeddooyinka la soo xusay beeshu waxay dowladda
Puntland ku boorrineysaa inay ka hawlgasho xaqiijinta himilada
shacabka Juba/Land.

4. Beeshu waxay taageersan tahay xiriirka iyo wada-shaqaynta
wanaagsan ee D/goboleedka Puntland iyo dowladda federaalka.

II. ARRIMAHA AMNIGA

1. Iyadoo la tixgelinayo in nabadgelyadu tahay tiirka asaasiga ah ee nolosha iyo horumarkan waxay beeshu taageereysaa barnaamijka dowladda ee ku aaddan hawlaha amniga iyo sugidda in hubku noqdo mid ku jira gacanta dowladda.

2. Beesha waxaa ka go’an inay dowladda gacan buuxda ku siiso hawlaha nabadaynta, la-dagaallanka tahriibta, burcad-badeedka, dhaqamada silloon iyo taakulada difaaca Puntland.

3. Beeshu waxay dowladda iyo shacabka Puntland ku boorrineysaa, dhankeedana ay diyaar u tahay ka hawlgalka soo celinta L/Caanood iyadoo xoraynteeda naf iyo maalba loo hurayo.

III. ARRIMAHA CADDAALADDA

1. Suurtagal ma aha in nabad, xasilooni iyo horumar lagu taamo iyadoo ayan caddaaladi jirin. Sidaa darteed beeshu waxay soo jeedineysaa in dowladdu si weyn isugu taxallujiso tayeynta iyo sare u qaadista awoodda wax-qabad ee hay’adaha sharci-fulinta.

2. Beeshu waxay qabtaa kuna talinaysaa in laga hortago lana sugo inaan beeluhu gabbaad u noqon dembiilayaasha.

IV. ARRIMAHA DEEGAANKA

Beeshu iyadoo tixgelineysa ahmiyadda uu deeganku u leeyahay nolosha dadka iyo noolaha kaleba

waxay ku talinaysaa:

1. In la meelmariyo barnaamij ku aaddan ilaalinta deegaanka iyo ka hortagga xaalufka berriga iyo badaha.

2. Beeshu waxay ballan qaadaysaa inay wixii kaga aaddan ka gasho hawlaha la xiriira ilaalinta deegaanka.

V. ARRIMAHA BULSHADA

Beeshu waxay dowladda iyo bulshadaba ku boorrineysaa horumarinta iyo tayeynta adeegyada iyo kaabayaasha bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”