Halkani waa Raadyow Burco!
Halkani waa idaacadda wareegta ee Raadyow Burco oo idin kala hadasha sekedaha magaalada dhexdooda, lagana maqlo hadba halka ay taagan tahay. Run ha moodin oo Akhriste ha u qaadan in tani tahay Idaacad rasmi ah, balse haddana, reer Burco waa u idaacad. Cabdi Weli Cabdi waa Weriyaha keliya ee ka hadla idaacadaas oo qalabkeedu yahay Mikrifoon gaadhi yar la saaro markii loo baahdo. “Ogaysiis, dhegaystayaal maanta waxa gurigoodii ka ambaday wiil yar oo 5-jir ah oo magaciisa la yidhaahdo Cali Maxamuud. Midabkiisu waa maariin, markii cid ugu dambaysayna wuxuu ku lebisnaa Surwaal madow iyo Shaadh Cas.
Sidaa daraadeed, wiilkaa yar oo Ilko-dhacsaday, cidii aragtaa ha ku soo hagaajiso gurigooda oo ku yaala xaafadda Khasabka ama Saldhiga Booliska.” Sidaa waxa Mikirifoonkiisa yar ka lalinayay Weriye Cabdi Weli Cabdi.
Kani waa adeeg muhiim u ah magaalo weyn sida Burco oo kale, balse ma hayaan Idaacad, taas bedelkeediina hanaankan ayaa u muuqda mid daneed oo waxtarkiisa leh. Baahinta Caruurta ambata iyo waxyaabaha kale ee luma uun kuma eka adeegyada bulsho ee Mikirifoonka Cabdi Weli, balse waxa jira adeegyo kale sida Xayeysiiska alaabooyinka aan hore loogu ogayn magaalada.
Sidaa aawadeed, akhriste iswaydii sababta idaacaddaha Madaxabanaan loo hortaagan yahay, una hambalyee adeega bulsho ee Mikirifoonka Cabdi Weli Cabdi u qabto dadka reer Burco.
Ogaal
Halkani waa Raadyow Burco!
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Halkani waa Raadyow Burco!
Mr alfaas ninkan ma garanaysa adan wata wa nin wariya ahaan jiray halkan warka oo dhan bu no so gudbin jiray beryaha maan arkin
- Mr_Alfaas
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3439
- Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
- Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland
Re: Halkani waa Raadyow Burco!
walee ninku waba ruwaayad last pageska isaga ku camiranThe_Emperior5 wrote:Mr alfaas ninkan ma garanaysa adan wata wa nin wariya ahaan jiray halkan warka oo dhan bu no so gudbin jiray beryaha maan arkin


-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 11 Replies
- 919 Views
-
Last post by foolxume2005
-
- 26 Replies
- 1230 Views
-
Last post by hargaysaay
-
- 4 Replies
- 1248 Views
-
Last post by dalalos101
-
- 5 Replies
- 1702 Views
-
Last post by Suldaan_JC
-
- 0 Replies
- 1925 Views
-
Last post by Reer Burao
-
- 9 Replies
- 2042 Views
-
Last post by rich-boy
-
- 51 Replies
- 7946 Views
-
Last post by Dhulbahantking
-
- 16 Replies
- 3923 Views
-
Last post by CaliBurco
-
- 19 Replies
- 3048 Views
-
Last post by hargaysaay