Page 1 of 1

sh sharif back in djibouti is he homeless.

Posted: Wed Feb 04, 2009 6:01 am
by The_Emperior5
Madaxweynaha Soomaaliya oo Jibouti ku laabtay


Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Arbaco, February 04, 2009(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ku maanta laabtay Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti oo ah halkii Sabtidii dhaweyd loogu doortay Madaxweynenimada Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ay diyaarad wada saarnaayeen Madaxweynaha Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Jibouti ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Jibouti, kadibna waxaa uu madaxweynaha u gudbay Hotelka Kempiniski oo uu Magaalada Djibouti ka degan yahay.

Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu muddo seddex maalmood ah ku maqnaa Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya, halkaasi oo uu uga qeybgalay shirkii 12aad ee Midowga Afrika, isagoo halkaasna kula kulmay madax heer gobol ah iyo kuwo caalami ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu magaalada Djibouti ka bilaabayaa wada tashi ku saabsan Ra’iisal Wasaaraha uu u soo magacaabayo Soomaaliya, waxaana warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan in madaxweynaha uu si deg deg ah u soo magacaabayo Ra’iisal Wasaaraha, kaasi oo isna soo xulan doona Xubnaha golahiisa Wasiirrada.

Markaas kadib Madaxweynaha iyo Xubnaha Baarlamaanka ayaa la filayaa in ay u soo guuraan Magaalada Muqdisho, halkaasi oo fariisin rasmi ah u ah Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya. Dhawaan waxaa Magaalada Baydhabo oo fariisin KMG ah u ahayd Dowladdii TFG-da la wareegay Xoogagga Al-Shabaab oo ilaa haatan gacanta ku haya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo ah siyaasiga ugu da’da yar ee loo doorto Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya ayaa waxaa horyaallada dowladdiisa caqabado badan oo qaarkood uga imaanayaan dhinaca Xoogag Muqaawamo ah oo sii sheegay in aysan aqoonsaneyn dowladda Jibouti lagu soo dhisay, hayeeshee waxaa la eegi doonaan sida uu madaxweynaha cusub u jiiro caqabadahaas horyaalla.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

Re: sh sharif back in djibouti is he homeless.

Posted: Wed Feb 04, 2009 6:03 am
by godness
maybe he is looking for a wifey :up:

Re: sh sharif back in djibouti is he homeless.

Posted: Wed Feb 04, 2009 6:05 am
by Ni Hao
Why? are you jealous he didnt came to SL?

Dont worry he will recognize SL soon.

Re: sh sharif back in djibouti is he homeless.

Posted: Wed Feb 04, 2009 6:15 am
by muslim-man
He is probably waiting or soliciting for some african nation or the OAU to give him african troops to escort him to somalia :lol: :lol: :lol:

and the same cycle continues.......

Re: sh sharif back in djibouti is he homeless.

Posted: Wed Feb 04, 2009 6:16 am
by The_Emperior5
mashallah :up:

Re: sh sharif back in djibouti is he homeless.

Posted: Wed Feb 04, 2009 6:39 am
by Addoow
be aware of who you call homeless! he can come to xamar at any min and she hinted that in so many occasions,jaale president shiikh shariif waa shumac u baxay umadda ,he is above clan politics. :up:

Re: sh sharif back in djibouti is he homeless.

Posted: Wed Feb 04, 2009 7:18 am
by Nomand
Addoow wrote:be aware of who you call homeless! he can come to xamar at any min and she hinted that in so many occasions,jaale president shiikh shariif waa shumac u baxay umadda ,he is above clan politics. :up:
the last jaale president in somalia was MSB lets be honest

Re: sh sharif back in djibouti is he homeless.

Posted: Wed Feb 04, 2009 7:28 am
by Addoow
Jaale means colleguege.yes,i agree with you some how,but president shikh shariif leadership qualities will remain undisputed for many generations to come.