
President shiikh shariif xafidahuallah
Madaxweynaha dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in uu si deg deg ah u soo dhisi doono ciidamo Soomaaliyeed oo hanta amaanka dalka soomaaliya.
Hadal uu ka jeediyay Shirkii hogaamiyaasha Africa ee lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee xarinta dalka Ethiopia ayaa madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu balan ku qaaday in uu dhisi dooni ciidamo Amniga Suga oo Soomaaliyeed kuwaasi oo soo celiya nabada iyo xasiloonida dalka Soomaaliya islamarkaana soo afjara dhibaatada 20-kii sano ee la soo dhaafay ka jirta dalka Soomaaliya.
Shekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu mudnaanta kuuwaad siiyay aas aasida ciidamo qaran oo awood u leh xasilinta dalka Soomaaliya isagoo ugu baaqay hogaamiyaasha Africa ee kulankaasi ka qeyb galay in taageero dhinaca militariga ay siiyaan ciidamadaasi si dib loogu dhiso dalka ay dagaaladu bur buriyeen islamarkaana dib loogu soo celiyo hay’adihii xukuumaddu ay laheeyd.
Madaxweyne sheikh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu qudbadiisa sidoo kale ku sheegay in diyaar uu u yahay in dowladiisu ay dusha kaga ridato damaanad qaadka amaanka biyaha wadanka Soomaaliya iyo la dagaalanka kooxaha burcad badeeda ee halista galiyay ganacsiga caalamka.
Sheikh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu sidoo kale sheegay in ay ka go’antahay in si deg deg ah uu ku soo dhiso dowlad midnimo qaran oo ku qotonta heshiiskii Jabuuti si loo mideeyo dhamaan dhinacyada Soomaalida isagoo ugu baaqay dadka siyaasad ahaan ka soo horjeeda in ay ku soo biiraan howlaha siyaasada oo hab magan galyo ku dhisin.
Hadalka madaxweynaha soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku soo aadaya xili xafiiska gaarka ah ee madaxweyne sheikh Shariif laga beeniyay warar maalintii shalay ay sheegeen qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegaya in madaxweynuhu shirka Africa uu ka dalbaday ciidamo nabada ilaalin oo Soomaaliya loo soo diro,waxaana uu sheikh Shariif Sheekh Axmed shirkaasi ka dalbaday midowga Africa kaalmo la siiyo ciidamada uu u dhisayo dalka Soomaaliya isagoo marnabada dalban in dalka loo soo diro ciidamo shisheeye.