Madaxweyne Shiikh Shariif oo mar kale ku celiyay in uu diyaar u yahay ku dhaqanka Shareecada islaamka.(Daawo Sawirada)
Posted: 2/9/2009 2:05:00 PM
Shabelle: MUQDISHO
Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa mar kale ku celiyay in uu diyaar u yahay ku dhaqanka Shareecada islaamka kadib kulan Balaaran oo uu ka qeyb galay oo maanta lagu qabtay Xarunta Gaadiidka Booliiska ee magaalada Muqdisho.
Munaasabad si her sare ah ay u soo agaasimeen maamulka gobolka Banaadir islamarkaana ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin uu ka mid yahay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo masuuliyiinta ugu sareysa hogaanka maxkamadaha islaamiga iyo wasiiro ka tirsanaa xukuumadda Nuur Cadde iyo saraakiil ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa maanta ka dhacday xarunta gaadiidka booliiska ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadaani oo ay xaadir ku ahaayeen kumanaan dadweyne ah oo isugu jira qeybaha kale duwan ee Bulshada ayaa ujeedkeedu waxaa ay aheeyd in la iska cafiyo waxyaabihii ka dhexmaray xoogaga muqaawamada iyo dowladda KMG islamarkaana haatan loo hogaansamo ku dhaqanka Shareecada islaamka.
Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo ah hogaanka ugu sareeyay maxkamadaha islaamiga oo isagu ka hadlay goobtaasi ayaa sheegay in ay iska iloobeen waxyaabihii dhexmaray iyaga iyo dowladda KMG ah isagoona farta ku fiiqay in loo hogaansamo dhanka nabada.
Sidoo kale taliyaa ciidanka military-ga dowladda KMG Ganaral Saciid Dheere oo isna qudbad dheer goobta ka jeediyay ayaa shaaca ka qaaday in Alla loo dhawaado wixii dhexmaray labada dhinacna la iska iloobo,waxaana uu tilmaamay in ay muhiim tahay in loo wada noqodo ku dhaqanka shareecada islaamka.
Sidoo kale ayaa waxaa Maykarafoonka loogu yeeray madaxweynaha dowladda Soomaaliya sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isagu qudbad kooban ka jeediyay goobtaasi ayaa markale ku celiyay in dowladiisu ay ku dhaqmayso shareecada islaamka,waxuuna dalbaday in dadkii ka barakacay gudaha magaalada Muqdisho ay dib ugu soo laabtaan guryahooda islamarkaana hay'adaha samafalka ka codsaday in ay ka qeyb qaataan soo celinta dadkaasi.
Madaxweyne sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu sidoo kale sheegay in laga sugayo in ay soo dhistaan ciidamo qaran oo aan shacabka dhibaatayn,waxaana uu ugu baaqay kooxaha ka soo horjeeda dowladda in ay ku soo biiraan.
Isku soo wada duuboo goobta ay ka dhacaysay munaasabadaani ayaa waxaa ka hadlay culumaa'diin,Abwaano iyo marti sharaf caan ka ah gudaha dalka Soomaaliya kuwaasi oo si buuxda u taageerayay arimaha nabadda iyo madaxweyne Sheekh Shariif ,waxaana dadkii halkaasi isugu yimid ay wateen sawirada madaxweynaha iyo boorar ay ku qornaayeen hadalo ka tarjimaya nabadda Soomaaliyeed.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Dhageeyso Wararka 1:30-duhurnimo Maalin waliba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.
_________________________________________________________________________________________________________
No doubt about this,the president is in favour of ruling somalia with the shariahlaw. But will this prevent the khawarij from rebellion? No! They killed in the past a better person than sh.sharif, whose name was amir ul mumineen 4th caliph Ali ibn abi talib r.a!
President Sheikh Sharif repeats once more again
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 3159 Views
-
Last post by snoop12
-
- 0 Replies
- 2948 Views
-
Last post by pmfaraajo
-
- 0 Replies
- 810 Views
-
Last post by TheLoFather
-
- 5 Replies
- 807 Views
-
Last post by salafi_student
-
- 11 Replies
- 1062 Views
-
Last post by Colonel
-
- 23 Replies
- 1786 Views
-
Last post by shiniile9
-
- 2 Replies
- 583 Views
-
Last post by AgentOfChaos
-
- 4 Replies
- 634 Views
-
Last post by American-Suufi
-
- 20 Replies
- 2562 Views
-
Last post by Foxy22
-
- 0 Replies
- 5 Views
-
Last post by Somalian_Boqor