Mid Ka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland Oo Si Kulul U Canbaareeyey Hadalkii Ka Soo Yeedhay Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Yaasin
--------------------------------------------------------------------------------
(Xildhibaan Cali Mareexaan)
hadhwanaag 2009-02-10 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Cali Xassan Maxamuud Cali Mareexaan oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiiladda ayaa hadalkii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ku tilmaam uu ku sheegay inaan Somali kala maarmayn ku tilmaamay fariin cad oo beesha caalamka aan aqoonsiga ka sugayno loo dirayo.
Sidaa waxa uu xildhibaanku ku sheegay Wargeysi uu siiyey Idaacada Radio Horyaal, Xildhibaan Cali Mareexaan waxa uu sheegay in hadaladda noocan ah ee ka soo yeedhay masuulkii qaranka ugu sareeyay caalamku uu ahmiyad siinayo oo aanu ahayn hadal dhayal isaga yimiday isla markaana uu la qabo madaxweyne Riyaale
Waxa kale oo uu Xildhibaanku tilmaamay in hadaladan ka soo yeedhay Madaxweyne ku-xigeenku ay yihiin kuwa lidi ku ah qaranimada jamhuuriyada Somaliland iyo dastuurka dalka u yaala isla markaana ka hor imanaya tacabkii halgankii xoraynta dalka lagu soo bixiyay laguna gudoonsaday magaalada Burco sanadkii 1991-kii
Md. Cali Mareexaan waxa uu ku eedeeyay xukuumada maanta jirta in ay wado talaabooyin ay ku doonayso in doorashadu dib u dhacdo iyadoon lagu ciqaab marin gudahasha la’aanta mudadii hore ee doorashadu dib u dhacday ee 14-kii april 2008 oo xukuumadu ay iyadu masuul ka ahayd
Hadalka Madaxweyne ku xigeenka ka soo yeedhay waxa uu xildhibaanku sheegay in dadka laga rabo inay dareenkooda ka muujiyaan.
Dhinaca kale Tv-ga Universal ayaa xalay sii daayay hambalyo dad Muqdisho jooga u dirayaan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland hadalkaasi ka soo yeedhay ee dhinaca Somaliland laf jabka ku ah qaranimada dhiiga badani u soo daatay.
Hadalkan ka soo yeedhay Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasin ayaa ku abuuray shacbiga reer Somaliland ayaa u abuuray shaki iyo walaac, taas oo dadweynuhu aad isku waydiinayaan masuulka labaad ee qarankan Somaliland waxa keenay ama ku kalifay wakhtigan inay afkiisa ka soo baxdo hadalada noocan oo kale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland.
udud party is having the biggest internal problems mashallah