


Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo wada olole ay ugu jiraan sidii Maslax Maxamed Siyaad looga dhigi lahaa R/wasaare.
Xildhibaanada Baarlamaanka midnimada qaran ayaa Magaalada Jabuuti ka wada ololihii ugu xooganaa oo ay ugu jiraan sidii Madaxweyne Soomaaliya uu Ra'iisul Wasaare ugu magacaabi lahaa wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, kaasoo lagu magacaabo Maslax Maxamed Siyaad.
Xildhibaanada oo fadhi aan ugu kala kicin ku yeelanaya Magaalada Jabuuti ayaa dadaalkooda uu yahay sidii Maslax Maxamed Siyaad Bare oo wareegii u dambeeyay Madaxweyne Sheekh Shariif kula tartamayay Jagada Madaxweynaha ayay sheegeen inuu yahay shaqsiga kaliya ee ku soo bixi kara jagadaas.
Cali Cabdullaahi Cosoble oo ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka ayaa codkiisa ku biiriyay in Maslax Maxamed Siyaad loo magacaabo Ra'iisul Wasaaraha, isagoona sheegay in isaga uu u arko inuu yahay shaqsi samata bixin kara dalka.
"Aniga Cali ahaan waxaan dhihi karaa Maslax waa u qalmaa jagadaas, laakiin waxaan maqlayay dad dhahayay hadii aan nala siin jagada Ra'iisul Wasaaraha oo aan xaq u leenahay waa go'eynaa, aniga waxaan ahay xildhibaan ka soo jeeda Hiiraan, waa dhihi karaa ha nala siiyo nin naga soo jeedo"ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble oo muujiyay inuu muran ka taagan yahay magacaabida Ra'iisul Wasaaraha oo qolaba qolo ay dooneyso in nin beesheeda ka soo jeeda loo magacaabo
Magaalada Jabuuti ayaa waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyadii u dambeeyay iyadoona dhaq dhaqaaqyadan ay ku wajahan yihiin soo magacaabida xilka Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo aan la ogeyn cida loo xushan doono, waxaana isu soo taagay musharaxiin dhowr ah oo gudbiyay CV-gooda
http://djiboutination.com/2009jan2/sambv5.htm