Sabti, February 14, 2009(HOL): Dadka ku dhaqan Gobolka Gedo ayaa waxay muujiyeen in ay ka soo horjeedaan Ra’iisal Wasaaraha uu Madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay C/rashiid Cali Sharma-arke.
Odayaal iyo Waxgarad shir ku yeeshay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegeen in aysan aqoonsaneyn Dowladda Midnimada Qaran ee Jibouti lagu soo dhisay, waxayna si cad u sheegeen in dowladdaas ay tahay mid duudsiisay xaqii ay lahaayeen.
Cali Maxamuud Cali (Cali Dhuux) oo u hadlay Odayaasha iyo Waxgaradka shirka ku yeeshay Baardheere ayaa sheegay in Dowladda cusub ee Soomaaliya loogu dhisay Jibouti ay u arkayaan mid ka mid ah Gobollada Jibouti, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan aqoonsaneyn.
Cali Dhuux waxaa uu sheegay in ay ugu baaqayaan Dadka ku jira Dowladdii TFG-da ee hadda noqotay Dowladda Midnimada Qaran in ay ka baxaan Dowladda, isla markaana ay dadkooda dhinac ka raacaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay iyaguna wax la qeybsan doonaan Ururrada Dalka Soomaaliya ka jira ee midnimada, cadaaladda iyo wadajirka doonaya.
Guddoomiyaha Degmada Beled Xaawo Axmed Maxamed Yuusuf Bur-kuus ayaa isna magacaabista Ra’iisal Wasaare C/rashiid ku tilmaamay mid aan sax ahayn, wuxuuna sheegay in ay filayeen in Madaxweynaha Soomaaliya uu xilkaas u soo magacaabi doono Maslax Maxamed Siyaad Barre oo ahaa musharixii ugu dambeeyay ee kula tartamayay doorashadii xilka madaxweynenimada Soomaaliya.
Geni Xasan Diiriye oo iyaduna ah Guddoomiyaha Ururka Haweenka Beled Xaawo ayaa sheegtay in ay dareemayaan in la duudsiiyay xaqii ay u lahaayeen in loo magacaabo Xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya,waxayna Geni carrabka ku dhufatay in Beesha Sade oo xilkaas laga wareejiyay ay tahay beel weyn oo degta gobollo dhowr ah oo Soomaaliya ku yaala, kuwaasi oo ay ka xustay Gedo, Jubooyinka iyo Galgaduud.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Gobolka Gedo ayaa wuxuu noqonayaa gobolkii ugu horeeyay oo laga mucaarado Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya, gaar ahaan magacaabista Ra’iisal Wasaaaha cusub ee Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia
Gedo people against the Unity Government
Moderator: Moderators
- Somaliman50
- SomaliNet Super
- Posts: 5850
- Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm
Re: Gedo people against the Unity Government
I don't blame them. Puntland was against it before yesterday until one of their own was elected. So don't even bother critisizing them. Anyway, they have an Islamic administration
they don't need a useless government.

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 5 Views
-
Last post by Captain24
-
- 5 Replies
- 582 Views
-
Last post by galia
-
- 3 Replies
- 558 Views
-
Last post by GIJaamac
-
- 6 Replies
- 701 Views
-
Last post by Somalian_Boqor
-
- 0 Replies
- 213 Views
-
Last post by Addoow
-
- 4 Replies
- 515 Views
-
Last post by King-of-Awdal
-
- 5 Replies
- 719 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 10 Replies
- 1378 Views
-
Last post by axmadgurey
-
- 0 Replies
- 7 Views
-
Last post by ModerateMuslim
-
- 1 Replies
- 489 Views
-
Last post by Jimbie