Kooxaha muqawamda koonfureed oo heshiis buuxa la gaaray qabaa'ilada deegaanada
Posted by Gedo
Sunday, February 15 @ 05:42:25 EST
Kooxaha kacdooka ka bilaabay gudaha Soomaaliya Gaar ahaan goblolada Koonfureed ee dalka ayaa sheegay in ay heshiis buuxa la gaari doonaan qabaa'ilada degan deegaanada ayna ogolaan doonaan inay dhistaan maamulkooda gaarka ah, hadday ku saleeyaan diinta Islaamka.
Afhayeenka Al-shabaab ee gobolada Gedo, J/dhexe, J/hoose ayaa sheegay in hadda laga bilaabo ay heshiis la qaadan doonaan qabaa'ilada soomaalida ah, hadday cadaato inaysan lug ku lahayn taageerada Dowladda Shariif Axmed, taasoo ayuu yiri inaysan waxba dhaamin tii Col C/laahi Yusuf. "Shariif Axmed iyo Col C/laahi Yusuf waxba isma dhaamaan, jihaadkayagana waanu sii wadi doonaa inta ay laga sifaynayo Xabashi kal-kaalada hadda ku haray gudaha Soomaliya" ayuu hadalkisa ku daray afhayeenka Al-shabaa ee gobolada koonfureed.
Intaa waxaa uu ku daray inay la midoobeen xisbiyo kale oo diini iyo qabaa'ilba ah ayna la baxeen Xisbul Islaam.
Shariif Sh Axmed ayaa ku dhacay wadadii ay ku halaagsameen kuwo badan oo isaga ka horeeyey, ayaa ka mid ahaa hadalada afhayeenka, "Insha'aaalhuna waanu ka cayrin doonaa wadanka".
Gedoweb News Desk
Interesting
Muqawamda koonfureed oo heshiis buuxa la gaaray
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 6716
- Joined: Tue Aug 05, 2008 3:05 am
- Location: In between the two "B's" Burtinle and Bacaadweyn: Xarfo
Re: Muqawamda koonfureed oo heshiis buuxa la gaaray
So Ogadens decided to put the Cimaamad and come clear?
It's fickle that since they didn't got the PM seat, they want to bring other clans to their side? A bit too late I am afraid

Re: Muqawamda koonfureed oo heshiis buuxa la gaaray
some one got owned




-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 7 Replies
- 2800 Views
-
Last post by subeir123
-
- 3 Replies
- 542 Views
-
Last post by Executive
-
- 24 Replies
- 3351 Views
-
Last post by TarTar
-
- 0 Replies
- 387 Views
-
Last post by Rebelxx222
-
- 0 Replies
- 301 Views
-
Last post by gobdoon
-
- 4 Replies
- 322 Views
-
Last post by Libah86
-
- 9 Replies
- 956 Views
-
Last post by BosasoShaam
-
- 1 Replies
- 258 Views
-
Last post by Bicir100