Page 1 of 1

Muqawamda koonfureed oo heshiis buuxa la gaaray

Posted: Sun Feb 15, 2009 10:40 am
by Murax
Kooxaha muqawamda koonfureed oo heshiis buuxa la gaaray qabaa'ilada deegaanada

Posted by Gedo
Sunday, February 15 @ 05:42:25 EST



Kooxaha kacdooka ka bilaabay gudaha Soomaaliya Gaar ahaan goblolada Koonfureed ee dalka ayaa sheegay in ay heshiis buuxa la gaari doonaan qabaa'ilada degan deegaanada ayna ogolaan doonaan inay dhistaan maamulkooda gaarka ah, hadday ku saleeyaan diinta Islaamka.



Afhayeenka Al-shabaab ee gobolada Gedo, J/dhexe, J/hoose ayaa sheegay in hadda laga bilaabo ay heshiis la qaadan doonaan qabaa'ilada soomaalida ah, hadday cadaato inaysan lug ku lahayn taageerada Dowladda Shariif Axmed, taasoo ayuu yiri inaysan waxba dhaamin tii Col C/laahi Yusuf.
"Shariif Axmed iyo Col C/laahi Yusuf waxba isma dhaamaan, jihaadkayagana waanu sii wadi doonaa inta ay laga sifaynayo Xabashi kal-kaalada hadda ku haray gudaha Soomaliya" ayuu hadalkisa ku daray afhayeenka Al-shabaa ee gobolada koonfureed.

Intaa waxaa uu ku daray inay la midoobeen xisbiyo kale oo diini iyo qabaa'ilba ah ayna la baxeen Xisbul Islaam.

Shariif Sh Axmed ayaa ku dhacay wadadii ay ku halaagsameen kuwo badan oo isaga ka horeeyey, ayaa ka mid ahaa hadalada afhayeenka, "Insha'aaalhuna waanu ka cayrin doonaa wadanka".


Gedoweb News Desk



Interesting

Re: Muqawamda koonfureed oo heshiis buuxa la gaaray

Posted: Sun Feb 15, 2009 11:38 am
by Captain24
So Ogadens decided to put the Cimaamad and come clear? :lol: It's fickle that since they didn't got the PM seat, they want to bring other clans to their side? A bit too late I am afraid

Re: Muqawamda koonfureed oo heshiis buuxa la gaaray

Posted: Sun Feb 15, 2009 2:03 pm
by snoop12
some one got owned :lol: :lol: :lol: