Barbara Robbins oo ah gabadha dhashay wiilkan yar, ayaa shalay Arbacadii u sheegtay telefiishanka Chanel Four ee dalka Ingiriiska inuu inankeeda yari aad u jecel yahay cuntooyinka ay ka mid yihiin haambeygarka cuntada looyaqaano (Pizza) iyo Chipska.
Dhakhtarada dalka Ingiriiska ayaa ka dayriyey caafimaadka wiilkan yar, maadaama uu culeyskiisu sii badanayo.
Billy Robbins waxa uu diday inuu tago dugsigii uu dhigan jiray isaga oo marayey sannadkii ugu dambeeyey, waxaannu sheegay in aannu taganin dugsiga inta uu culeyskiisu sidan yahay.taas oo keentay inuu laasimo joogitaanka gurigooda.
"Waxaan rumeysanahay inay hooyaday tahay saaxiib aad u wanaagsan, waxaanay ii daryeeshaa si aad ui sarreysa," ayuu yidhi Billy.
Billy waxa hore loogu sameeyey laba qalliin oo lagaga yareynayey baruurta laxaadka leh ee dabooshay jidhkiisa isaga oo lagula taliyey inuu isticmaalo cuntooyinka ay ku yar tahay nafaqada aadka u korisa jidhka bani'aadamka.
"Wax kasta oo awoodeyda ah ayaan u sameynayaa, waayo waa wiil aan dhalay," ayey tidhi hooyadii, waxaanay intaa ku dartay inay cabsi badan ka qabto qalliinka lagu sameeyey wiilkeeda.
Waxa laga yaabaa siday ay hooyadii sheegtaya inuu mar kale gali doono qaliin aad u adag si ay dhakhaatiirtu iskugu dayaan inay markale yareeyaan miisaankiisa oo dhaafay ilaa .


