.Khiyaamada Pyramid oo lagu Dhacay Dadweyne Reer Hargeysa ah!!!
Waxa Muraaradilaacii Koomo galay Dad badan
Hargeysa -Khiyaamo u eg nooca loo yaqaan Pyramid scheme ama Ponzi ayaa lagu dhacay dad badan oo reer Hargeysa ah. Khiyaamadaas oo caan ah ayaa ku xidhan inuu khaayinku dadka ku yidhaahdo lacagtiina ayaan si dhakhso ah idiinku laban laabayaa. Dadka waxa la faraa inay asxaabtoodana ku soo daraan. Inta yare ee u horaysa ayaa la siiyaa macaash aad u badan. Run baa loo qaataa, markaasbaa la isku shubaa, ka dibna nimankii khiyaamada waday ayuunbaa mar keliya la waayaa. Hadaba, Magaalada Hargeysa waxa tan iyo Shalay hadheeyay war dhiilo leh oo Qof kastaa oo jooga Magaalada ka nixiyay intooda badan ka dib markii suuqyada kala duwan ee Hargeysa la soo galiyay inay baxsatay Qasnajiyadii Shirkad been abuur hayd oo Magaalada Hargeysa lacagayoow Dadka laga qaado lagu ururin jiray oo ay macaash ka heli jireen Bishiiba.
Waxa la isla oogsaday qaylo iyo murugo Qof kasta oo qayb ku lahaa lacagyawgaas la sheegay in lala baxsaday, waxaana goob kasta ka aloonsatay Yaayuul iyo Tooyasho la is tooyanayay jiritaanka warkaas oo naxdinta ku abuuray Bulshada, waxaana mashquul ahaa khadadka Telefoonada, iyadoo la dareemayey dhaqdhaqaaqo ay dadku ku baadi goobayeen lacagahoodii.
Lacagaha lala baxsaday ayaa waxa la sheegayaa in ay gaadhayso Malaayuun Dollar, oo si caqli daro ah Dadkaas loogu dhiibay iyada oo ay hantidaasi ahayd mid siyaabo kala duwan Qofba meel uga keenay, waxaana la sheegayaa Dadka dhibtaasi soo gaadhay Qaarkood in ay Dadkaasi u dhiibteen hanti culus oo ay xaraasheen xoolo Ma Guurto ah sida, Guryo, Gaadiid, halka hantida la dhacay Dadka Qaarkood ay ahayd Masaariif ay ku meer meeri jireen oo aanay jirn wax uga danbeeyaa.
Koxahan dhacay Lacagaha ayaa la sheegayaa inay ahaayeen Dumar Samaystay hab ay ku Dageen Dadka lacagaha u dhiibtay, waxaanay samayn jireen Qofka ay Lacag ka qaadaanba in ay Bishii u soo celin jireen lacag fiican oo ay Faa’iido uga dhigi jireen taasina ay sahashay inay helaan lacag badan oo Qof walbaab u soo furo faraqiisa.
Qaar ka mid ah dadka lacagahaasi wax ku lahaa ayaa noo cadeeyey in dad badan faa’iido ka soo gashay qorshahan oo mudo 8 sano ku dhaw shaqaynayey balse dadka ugu dhibta badani ay yihiin dadkii lacagaha wax ku darsaday maalmihii ugu dambeeyey.
Dadka lacagaha ururin jiray ayaa marka ay dadka lacagta ka qaadayaan shuruud uga dhigi jiray inaanay damaanad qaadaynin masuuliyada hadii la waayo lacagahagaasi, waxaanay halhays u lahaayeen ama ay caan ku ahayd suul iyo saxeex maleh, taasoo cadaynaysa qaabka ay udegsanayd inuu ahaa mid iska cad oo ahayd nidaam qorshaysan oo dadka lagu dhacayey.
Culimada waawayn ee Dalka iyo Dadka Sharciyada Ganacsiga yaqaan ayaa Nidaamkan uga digay Dadwaynaha inay lacagtooda ku bixyaan, balse dadkani way ka dhego adaygeen waxaanay la kulmeen khasaarihii looga digay
.Khiyaamada Pyramid oo lagu Dhacay Dadweyne Reer.....
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 568 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 0 Replies
- 468 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 1 Replies
- 644 Views
-
Last post by hanqadh
-
- 0 Replies
- 335 Views
-
Last post by yesman10099
-
- 0 Replies
- 210 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 224 Views
-
Last post by MRHASSAN
-
- 1 Replies
- 330 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 82 Replies
- 4673 Views
-
Last post by DR-YALAXOOW
-
- 3 Replies
- 840 Views
-
Last post by COSTA
-
- 0 Replies
- 222 Views
-
Last post by MALMAHA