Somali Ulamaa release their statement from Mogadishu

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Real_1
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 658
Joined: Tue Oct 12, 2004 3:48 pm
Location: grb airport gedo

Somali Ulamaa release their statement from Mogadishu

Post by Real_1 »

Shabelle: MUQDISHO
Shirkii maalmahani magaalada Muqdisho uga socday culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa maanta la soo gabagabeeyay,waxana laga soo saaray bayaan ka koobah dhowr qodob oo looga hadlay xaalada dalka Soomaaliya.



Kadib kulan socday mudo 6-maalin ah oo ay magaalada Muqdisho ku lahaayeen culumaa’udiin Soomaaliyeed oo ka kala yimid gobolada dalka iyo dalka dibadiisa ayaa waxaa ay gabagabadiisa maanta ka soo saareen bayaan ka kooban illaa 9-qodob oo ka hadlaya xaalada dalka Soomaaliya uu ku sugan yahay.



Bayaankani ayeey culumaa’udiinka ku sheegeen in axdi qarameedka dowlada ay ku jiraan waxyaabo ka hor imanaya diinta isla markana loo baahan yahay in wax laga badalo iyadoo loo kaashanaya culumaa’udiin lagu kalsoon yahay.



Sidoo kale waxaa ay sheegeen in dowalada ay waajib ku tahay in baarlamaanka uu si cad u qaato ku dhaqanka Shareecada islaamka mudo 90-maalin gudahooda.



Sidoo kale waxaa bayaanka lagu sheegay in Inay dalka ka saarto ciidamada hadda joogo ugu badnaan mudo 120 cisho gudahood ah taas oo ka bilaabanaysa: 01/03/2009.



Waxaa bayaankaasi sidoo kale lagu sheegay in Habka lagu saarayo uu noqdo hab aan dagaal ahayn, sababta oo ah Shareecadu waxa ay qabtaa in hadafka lagu gaaro hadba dariiqada ugu fudud uguna dhib yar ee aan sharciga khilaafsanayn.



Culumadii maanta kulankaasi gabagabada ah ka hadashay ayaa waxaa ka mid ahaa Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo ah gudoomiyaha hay’ada Culimada Soomaaliyeed,sheikh Max’ed Axmed Cabdi Umal iyo culumaa’udiin Badan.



Sheikh Max’ed Axmed Cabdi Umal oo maanta aad ugu dheeraaday ka hadlida xaalada adag ee dalka Soomaaliya ka taagan ayaa waxaa uu sheegay in hadii aan wax xal ah laga gaarin dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya uu gaari doono heer uu ka tirtirmo qariidada aduunka.



Bayaankani ka kooban 9-ka qodob ee ay soo saareen culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ka danbeeyay kadib markii mudo 6-maalin ah ay kulan ku lahaayeen hotelka Kaah ee magaalada Muqdisho kaasi oo ugu danbeeyntii ay ku doorteen gudi la magac baxay hay’ada Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo gudoomiye looga dhigay Shiikh Bashiir Axmed Salaad.



Bayaanka ay soo saareen Culumaa’udiinka Soomaaliyeed halkani ka aqriso.





بسم الله الرحمن الرحيم



Go'aamada iyo Bayaanka Shirka Culumada Soomaaliyeed





Culumada soomaaliyeed fadhi ay ku yeesheen magaalada Muqdisho taariikhdu markay ahayd 19-24/ Safar/ 1430H oo ku began 14-19 bisha Febraayo 2009 kaas oo ay kasoo qaybgaleen Culumo waaweyn oo ka kala timid dalka Gudihiisa iyo dabaddiisa, laguna dhisay Hay'adda Culumada Soomaaliyeed, looguna doortay inuu madax ka noqdo Sh.Bashiir Axmed Salaad. Shirkaas oo ay Culumadu kaga wadahadleen xaaladda dalka uu marayo, iyo dhibaatoyinka taagan waxa ay soo saareen Go'aammadaan iyo qaraaraadkaan soo socda:-



Dhiigga Muslimka ee xaqdarrada lagu galo


Waxay Culumadu caddaynayaan inay xaaraan tahay sharci ahaan in qof muslim ah daadiyo dhiigga dadka muslimiinta ah ee soomaaliyeed, si gaadmo ah iyo si bareer ah midnaba, ama sabab loo noqdo, ama uu ku xadgudbo Xoolihiisa iyo sharafkiisa, waxaana arrinkaas ka dhalanaya khasaare adduunyo iyo mid aakhiro, waxaana waajib ah in qof kasta oo horay u galay dhiigga qof muslim ah si sharci darro ah inuu towbad keeno, naftiisana u dhiibo una gacan galiyo ciddii uu dhiigga ka galay (dhaawacay) ama dadka leh dhiiggiisa (hadduu dil dhaco).



Xadgudubka Diineed


Waxay Culumadu caddaynayaan:-



Inay waajib tahay in lagu dhago laguna toosnaado Manhajka Ahlusunna waljamaca ee dhexdhexaadka ah dhammaan arrimaha diineed ee qofka muslimka ah, lagana fogaado wax alla wixii xadgudub ama gaabin diineed ah, gaar ahaan arrimaha dhiiga, xoolaha, iyo sharafka Qofka muslimka ah sida uu allahba yiri S.W: {وكذلك جعلناكم أمة وسطا لتكونوا شهداء على الناس}


In dhammaan arrimaha diineed looga danbeeyo loolana laabto culumada ku xeesha dheer aqoonta diineed, laguna yaqaan Ammaano, Daacadnimo iyo Alla ka cabsi, gaar ahaan waqtiyada Fitnadu jirto, sida uu allaahba yiri S.W. { وإذا جاءهم أمر من الأمن أ والخوف أذاعوا به ولو ردوه إلى الرسول وإلى أولي الأمر منهم لعلمه الذين يستنبطونه منهم....}


In laga digtoonaado ku degdegidda Gaaleysiinta ruuxa muslimka ah iyo riddo ku xukunkiisa, taas oo lagu banneysanayo dhiiggiisa, xoolihiisa iyo sharafkiisa, maxaa yeelay xukunka arrinkaas waxaa geli kara oo kali ah Culumo u khaas ah, kuwaasoo cuskanaya ama tixgalinaya Xuduudaha uu sharcigu u dhigay arrintaas oo ah:-


- Inay qofka ka dhacdo arrin keeni karta gaalnimo dhab ah

- In la helo Shuruudaha sharcigu u dhigay gaalaysiinta

Shakhsiga.

- In laga waayo wax ka horjoogsada in lagu rido Xukunkaas

Gaalaysiinta ama ridada ah.



· Waxaa xadgudub diineed ah Dilka, afdubka, dhaca, iyo dhibateynta loo geysanayo hay'adaha iyo dadka gaarka ah ee ku soo galay waddanka Dammaanadda jiho ama qof Muslim ah, hadday dhacdo inay ku kacaan hay'adahaas ama shakhsiyaadkaas wax xadgudub ku ah dadka diintooda ama akhlaaqdooda, waxaa waajib ah in lagala xiriiro cidda Damiinka ka ah.



Dhaqangelinta Shareecada Islaamka


Maaadaama ay sharecadu tahay waajib diini ah, dalabka shacabka, Furaha Amniga iyo Musaalaxada, waxaa wajib ku ah dowladda ianay qaadato go'aan cad oo ah ku dhaqanka shareecada Islaamka si Buuxad, si ay taasi u dhacdana waa in baarlamaanku soo saaro si dhab ahna ugu dhawaaqo arinkaas muddo sagaashan cisho gudahood ah laga bilaabo 01/03/2009. taas oo asaas u ah taageerada shacabka iyo kalsoonidiisa.



4. Axdiga Ku meelgaarka ah



Kadib markay Culumad dib u eegeen Axdiga ku meel gaarka ah ee dawladda waxaa uga soo baxay qodobbo ka hor imaanaya shareecada islaamka, islamarkaana ka hor imaanaya qodob isla Axdiga ku yaalla oo xusaya: - in shareecada islaamku saldhig u tahay shuruucda qaranka – sida ku cad Qodobka 8'aad, faqradiisa 2'aad, sidaa darteed waxaa waajib ku ah dowladda inay ka saarto Axdiga ku meelgaarka ah qodob kasta o ka hor imaanaya shareecada islaamka, si taas loo helana waa in loo xilsaaraa Dib u eegidda Axdiga iyo sixidiisa Culumo ku xeel dheer Shareecada Isalaamka laguna kalsoonyahay Ammaanadooda iyo Cilmigooda.



5. Ciidamada Shisheeye



Kaddib markaan miisaanka sharciga ah saarnay arrinka ciidamada

Shisheeye ee wadanka joogo, waxaa noo soo baxay arimaha soo socda:-



· Ciidamada wadanka joogo kuma imaan qaab waafaqsan shareecada Islaamka iyo doonista shacabka midna.

· Ciidamadaan sii jogitaankoodu waa mid aysan shareecadu ogolayn ummadduna aanay raalli ka ahayn.

· Joogitaankoodu waxaa uu dhib ku yahay ummadda diinteeda, Anshaxeeda, Amnigeeda iyo madaxbananideeda.



Sidaa darteed waxaa waajib ku ah dowladda:-



· Inay dalka ka saarto ciidamada hadda joogo ugu badnaan mudo 120 cisho gudahood ah taas oo ka bilaabanaysa: 01/03/2009.

· Habka lagu saarayo waa inuu noqdo hab aan dagaal ahayn, sababta oo ah:-



- Shareecadu waxa ay qabtaa in hadafka lagu gaaro hadba dariiqada ugu fudud uguna dhib yar ee aan sharciga khilaafsanayn.

- Waxaa waajib sharci ah Xifdinta Dhiigga, Hantida iyo sharafka shacabka, oo aan sabab loo noqon dhibaato gaarta ayadoo la baajin karo.



· Mudadaas gudaheeda waa in aysan ku kicin Ciidammada hadda jooga falal dhaqdhaqaaq dagaal, isbaahin iyo dhibaatayn shacab toona, iygana waa in aan la weerarin.

· Waa in aan sinaba loo soo kordhin, ama aan loo keenin Ciidamo kale oo cusub.









6. Mujaahidiinta ka soo horjeeda dowladda



Waxaa waajib ku ah mujaahidiinta dowladda ka soo horjeeda, isla markaana ah maslaxad sharci ah, ummadduna ka sugeysaa arrimaha soo socdo:-



· Inay wax ka abuuraan Jawi nabadeed iyo fursad lagu xaqiijin karo arrimaha aan ku soo xusnay qodobbada ( 3,4,5 ) isla markaana ka qaataan kaalin sidii loo suurtogalin lahaa fulinta arrimahaas.

· Ianay ka fogaadaan wax alla iyo wiixii keeni kara dagaal af iyo addinba, inta lagu guda jiro fulinta arrimahaa kor ku xusan.



7. Haddii sida la soo sheegay wax u fuli waayaan



Haddii uu yimaaddo xad gudub lagu sameeyo fulinta go'aammada kor lagu soo xusay, amaba lagu fulin waayo xilligii loo qabtay, Dhinac kali ah go'aan ma qaadan karo, waxaase arrinkaasi uu u noqonayaa oo caddeynaya Hay'adda Culumada Soomaaliyeed, waxaana Go'aan ka gaaraya Ahlul xalli Walcaqdiga .



8. Musaalaxada iyo heshiisiinta



In la heshiisiiiyaa dadka walaalalaha ah waa waajib sharci ah,

Waxa ayna ka mid tahay waxyaabaha waaaweyn ee allah

Loogu dhawaado S.W. sida uu Allah yiri:

{ لاخير في كثير من نجواهم إ ن مر بصدقة أو معروف أو إصلاح بين الناس}

Rasuulkuna wuxuu yiri S.C.W:

" ألا أدلكم على أفضل من درجة الصلاة والصيام والصدقة؟ قالوا بلى يا رسول الله صلى الله عليه وسلم، قال: إصلاح ذات البين، فإن فساد ذات البين هي الحالقة، لا اقول انها تحلق الشعر ولكنها تحلق الدين" أخرجه أحمد والترمذي وابن حبان وغيرهم من حديث أبي الدرداء.



Sidaa darteed waxaan ugu baaqeynaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee walaalaha ah inay ka fogaadaan wax alla iyo Wixii keeni karaya dagaal iyo dhiig dhexdooda ka daata af Af iyo addinba, taas oo keeni karta halaag aduunyo iyo mid aakhiro.



Waxaan ugu baqeyna in si degdeg ah ay u joojiyaan wax alla iyo waxii sabab u noqon kara kala fogaanshaha, kala tagga iyo is nacaybka.



Waxaan ugu baaqeynaa inay isu dhimriyaan isun dabacsanaadaan. Waxaan ugu baqeynaa in cid waliba ogaato in wadajirka oo kali ah lagu xaqiijin karo waxa alle raalliga ka yahay, ummaddana maslaxaddeeda ah.



Waxaan ugu baqeynaa in mashaakil walba oo la soo darsa dadka walaalaha ah dhexdooda in lagu xalliyo wadahadal si waafaqsan shareecada islaamka, lagana hor mariyo danta guud midda gaarka ah, Hay'adda Culumaduna waxa ay sii wadeysaa Musaalaxada iyo Heshiisiinta inta ay ka mirodhalayso inshaa'allah .



9. Waxaan ugu baaqeyna dhamman shacabka Soomaaliyeed (shacabka, Mujaahidiinta ka soo horjeeda dowlada, Baarlamaanka & Xukuumadba gaar ahaan kuwii dalka cadowga keenay inay Towbad keen dhab ah la yimaadaan diintoodana qabsadaan, culumadoodana ka danbeeyaan, gacmahana isqabsadaan, xaqqana isuguna kaalmeeyaan.



Ugu dambeyn culumadu waxay u tacsiyeynayaan dhammaan ummadda soomaaliyeed ee dhibaatadu soo gaartay xilligii la soo dhaafay naf iyo maalba waxayna allaah uga baryayaan inuu siiyo badel khayr qaba, dhaawacoodana bogsiiyo dhibaatadoona xaliyo.





وبالله التوفيق



Shirka Culumada Soomaaliyeed
User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Re: Somali Ulamaa release their statement from Mogadishu

Post by Somaliman50 »

:up:
Captain24
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6716
Joined: Tue Aug 05, 2008 3:05 am
Location: In between the two "B's" Burtinle and Bacaadweyn: Xarfo

Re: Somali Ulamaa release their statement from Mogadishu

Post by Captain24 »

Are sure those Sheikhs arent' biased? Hawiye wadaads are known to be biased
User avatar
Kolombo
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2832
Joined: Sun Jun 08, 2008 11:18 am
Location: Chiapas.

Re: Somali Ulamaa release their statement from Mogadishu

Post by Kolombo »

Image
-Sh. Ahmed Daahir Aweys

Image
-Sh. Mahamed Abdi umal.

Image
-Sh. Abdulqadir Ali Umar
User avatar
FAH1223
webmaster
Posts: 33838
Joined: Mon Oct 02, 2006 12:31 pm
Location: THE MOST POWERFUL CITY IN THE WORLD
Contact:

Re: Somali Ulamaa release their statement from Mogadishu

Post by FAH1223 »

Captain24 wrote:Are sure those Sheikhs arent' biased? Hawiye wadaads are known to be biased
you're stupid wallahi

this was a conference where all these sheikhs came from all over somalia, from abroad... there are even sheikhs from different nations altogether there

with that said, they all are telling shabaab to stop the takfir and lay their weapons down

but it won't work, especially with ethiopia back inside somalia
Captain24
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6716
Joined: Tue Aug 05, 2008 3:05 am
Location: In between the two "B's" Burtinle and Bacaadweyn: Xarfo

Re: Somali Ulamaa release their statement from Mogadishu

Post by Captain24 »

FAH1223 wrote:
Captain24 wrote:Are sure those Sheikhs arent' biased? Hawiye wadaads are known to be biased
you're stupid wallahi

this was a conference where all these sheikhs came from all over somalia, from abroad... there are even sheikhs from different nations altogether there

with that said, they all are telling shabaab to stop the takfir and lay their weapons down

but it won't work, especially with ethiopia back inside somalia

How come these Same wadaads didn't tell Al-shabab to stop attacking innocent individuals in Kismayo and other Darood cities?
User avatar
FAH1223
webmaster
Posts: 33838
Joined: Mon Oct 02, 2006 12:31 pm
Location: THE MOST POWERFUL CITY IN THE WORLD
Contact:

Re: Somali Ulamaa release their statement from Mogadishu

Post by FAH1223 »

Captain24 wrote:
How come these Same wadaads didn't tell Al-shabab to stop attacking innocent individuals in Kismayo and other Darood cities?
again, you keep looking at things thru clan lenses

its funny because Shabaab is composed of many Darod, Hawiye, Raxanweyn/Digil, Issaq, ect....Hassan Yacquub (Head of Shabaab in Kismaayo) is Darod, right? :lol:
User avatar
Twisted_Logic
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Fri Aug 31, 2007 4:09 pm
Location: Speaking up against Somalinet's tolerance for Al Qaida Loyalists

Re: Somali Ulamaa release their statement from Mogadishu

Post by Twisted_Logic »

Captain24 wrote:Are sure those Sheikhs arent' biased? Hawiye wadaads are known to be biased
Man, look at this retard. If you want to accuse shiekhs of qabyalad, then you should point fingers at Sh Umal. This man has refrained from commenting about the situation in Somalia when AY was in power but was quick to accuse Sh Sharif of being Murtad the minute he took power. Shame on him :down:
Captain24
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6716
Joined: Tue Aug 05, 2008 3:05 am
Location: In between the two "B's" Burtinle and Bacaadweyn: Xarfo

Re: Somali Ulamaa release their statement from Mogadishu

Post by Captain24 »

Twisted Logic, what about Sheikh Faruuq, Who called Abdullahi Yusuf Murtad, then in the same breath called Sh.Shariif Awliya? :lol: :lol:
User avatar
Kolombo
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2832
Joined: Sun Jun 08, 2008 11:18 am
Location: Chiapas.

Re: Somali Ulamaa release their statement from Mogadishu

Post by Kolombo »

Fah,

If we're to go by clan, many of the clerics who attended this meeting were Daarood including Sh. Umal. :lol:


Twisted Logic,

Sh. Umal has never accused Shariif of being a murtad, stop lying. All he said was he was disappointed that Shariif didn't choose to rule by the Shari'ah from early on. He was at this meeting to remind Al-shabaab & others to not bee to hasty in accusing Shariif & others of apostasy. Why would he be saying that now if he was accusing Shariif of apostasy in the first place? Get your facts right.
User avatar
Diyeeshaha_Tolka
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3524
Joined: Sat Sep 22, 2007 12:41 pm
Location: webiga jowhar jiinkiisa

Re: Somali Ulamaa release their statement from Mogadishu

Post by Diyeeshaha_Tolka »

lets wait and see what alshabaab will say about this,,,shekaada way ku xumaatay alshabaab sida ay ka cabsanayeen ayey noqotay hadalka culimada,,haday kasoo horjesadaan waxay noqonayaa khawaariji
User avatar
Twisted_Logic
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Fri Aug 31, 2007 4:09 pm
Location: Speaking up against Somalinet's tolerance for Al Qaida Loyalists

Re: Somali Ulamaa release their statement from Mogadishu

Post by Twisted_Logic »

Kolombo wrote:Fah,

If we're to go by clan, many of the clerics who attended this meeting were Daarood including Sh. Umal. :lol:


Twisted Logic,

Sh. Umal has never accused Shariif of being a murtad, stop lying. All he said was he was disappointed that Shariif didn't choose to rule by the Shari'ah from early on. He was at this meeting to remind Al-shabaab & others to not bee to hasty in accusing Shariif & others of apostasy. Why would he be saying that now if he was accusing Shariif of apostasy in the first place? Get your facts right.
Here is where I got my information. Let me know where you came up with yours.
Shirkii shalay ayaa si aad ah la iskugu buuqay kadib markii Dr. Cumar Cali Cabdala iyo Sh. Nuur Cali Jaamac ay ku eedeeyeen Sh. Max'ed Umal oo dagan Keyna inuu gaalaysiiyay madaxweynaha Somaliya Sh. Shariif Sh. Axmed, waxayna ka codsadeen inuu cadeeyo aragtidiisa diiniga ah iyo cadaymaha uu ku gaalaysiiyay madaxweynaha. Labada Shiikh ayaa ku tilmaamay Sh. Max'ed Umal inuu noqday Takfiiri uuna ku aragti yahay dhalinyarada Al-Shabaab oo shacabka Soomaliyeed oo dhan gaalaysiiyay, taasoo keentay inuu si aad ah u diido eedaynta loosoo jeediyay, waxana difaacay oo garab siiyay Sh. Jaamac C/salaam oo sheegay inaan lagu tilmaami karin Sh. Umal Takfiiri.
http://wadanka.com/General/1302.html
Captain24
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6716
Joined: Tue Aug 05, 2008 3:05 am
Location: In between the two "B's" Burtinle and Bacaadweyn: Xarfo

Re: Somali Ulamaa release their statement from Mogadishu

Post by Captain24 »

Look for Kolombo to hide and run now. He accused Omar Sharmake of writing an anti-Islam articles, but when Ismahan confronted him to post the articles, he run away.

He's famous of making false things up
User avatar
Kolombo
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2832
Joined: Sun Jun 08, 2008 11:18 am
Location: Chiapas.

Re: Somali Ulamaa release their statement from Mogadishu

Post by Kolombo »

TL,

Here it is:
1. It is forbidden to kill deliberately to a Muslim person.

2. It is forbidden to judge someone that he/she is an apostate with out religious verdicts.
http://www.mareeg.com/fidsan.php?sid=10560&tirsan=3

Signed by Sh. Umal and all the other Sheikhs who attended this meeting.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Somali Ulamaa release their statement from Mogadishu

Post by AhlulbaytSoldier »

Alshayatiin will not obey them. They didnt obey Al-Rasuul(PBUH)and Amir al mumineen(Ali r.a),so what makes you think they will obey respected hawiye ulamah when they themselves are not hawiye?

Maybe,there should have been eelay scholar and faqash scholars(bad idea,most of faqash scholars support ina yeey ofcourse :mrgreen: ) so that they may know that the somali people are unpleased with them transforming from mujahideen to qaatilun fil muslims(killers of muslims).
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”