Maamul Goboleed for Gedo Only?
Posted: Thu Feb 19, 2009 2:24 pm
Aden A. Colujoog: "Waa muhiim in si deg-deg ah maamul goboleed u gaar ah gobolka Gedo loo sameeyo!"
Akhri qorshaha maamul goboleedka gobolka Gedo oo horudhac ah iyo sababta loo doortay in uu noqdo magaca maamul goboleedkaas JUBBA STATE!
Wareysi ay maanta Allgedo la yeelatay Aden A. Colujoog oo ah siyaasi kasoo jeeda deegaanada Jubooyinka ee Koofurta Soomaaliya ayaa waxuu sheegay in hadda la joogo waqtigii maamul goboleed u gaar ah gobolka Gedo mustaqbalka dhow looga dhawaaqi lahaa Koofurta Soomaaliya.
Wareysiga oo dhinacyo badan taabanayay ayaa waxuu u dhacay sidatan:-
Su'aal: Mr. Colujoog, wax manooga sheegi kartaa waxa keenay xiligaan in maamul goboleed u gaar ah gobolka Gedo aad hindisahiisa soo bandhigto?
Jawaab: Haddii aan isku dayo in aan si kooban uga jawaabo su'aashaada, sida aan ka wada warqabnaba Soomaalihya waxay dowlad la'aan aheyd 19 sano. Kaddib markaan si weyn u dareemay baahida ay bulshada reer Gedo xiligaan u qabaan maamul sal balaaran oo cadaalad ku dhisan iyo in bulshada horumar la gaarsiiyo, waxaa iisoo baxday in waqtigaan la joogo ay ugu haboon tahay in la qaban-qaabiyo sidii gobolka Gedo loogu sameyn lahaa maamul goboleed u gaar ah. Magaca aan maanka ku hayo oo aan rabo in maamul goboleedkaas loo bixiyana waxuu yahay Jubba State.
Su'aal: Wax ma nooga sheegi kartaa sababta aad sida gaarka ah ugu xulatay in magaca maamul goboleedkiina uu noqdo Jubba State?
Jawaab: Haa, sida aan ka wada war qabnaba, Gobolka Gedo waa dhulka ugu balaaran ee uu maro webiga Jubba, horayna xiligii qaar ka mid ah gumeystayaasha reer Yurub ay gumeysanayeen Soomaaliya, waxay gobolka Gedo ugu yeeri jireen Jubbada Sare (Upper Jubba), marka waxaan qaadanay un magacayagii oo ah kan loo yaqaan webiga Jubba, anaga oo dhanka kalena faraha kala baxnay adeegsiga afarta xarfood ee aad moodo in ay waayadaan danbe gobolada Soomaaliya tartanka ugu jiraan sidii ay ugu danbeysiin lahaayeen magac gobaleedkooda oo ah (LAND) sida Somaliland, Puntland iwm.
Su'aal: Haddii ay dhacdo in aad gobolka Gedo si gaar ah maamul ugu sameysaan oo aad weliba ugu magac dartaan Jubba State, meesha miyuu ka baxayaa fekerkii hore ee ay xubno isla beesha aad kasoo jeedo ah wateen oo ah in maamul guud loo sameeyo deegaanada Jubbooyinka loona bixiyo Jubbaland State?
Jawaab: Walaahi waa run oo horay way u jireen isku dayo noocaas ah oo ay si weyn ugu ololeynayeen xubno beesha kasoo jeeda, balse anigu qof ahaan fekerkaas ah in hal mar maamul goboleed loo sameeyo deegaanada Jubbooyinka oo dhan weligey waan kasoo hor jeeday, sababtuna wax kale ma'ahan ee waa aniga oo u arkayay in fekerkaasi uu ahaa mid qaldan oo ku dhisnaa riyo iyo laab-la kac ee uusan marnaba aheyn mid ka turjumayay xaqiiqda dhabta ah ee deegaanadaas iyo maamul u sameyntooda.
Su'aal: Maxaad ula jeedaa fekerkii hore ee Jubbaland State laab la kac buu ahaa?
Jawaab: Fekerku haddii uu toosnaa, mudadaas dheer ee 19-ka sano ah waxaa la arki lahaa mira dhalkiisa. Waxa kaliya ee hadda noo muuqdaayi waa ayada oo aanay jirin wax la yiraahdo maamul goboleed ay deegaanada Jubbooyinka leeyihiin, ayada oo gobolka Gedana aad moodo in uu ku dhex qowracan yahay feker ahaan Jubada Hoose iyo Jubbada Dhexe oo ay degan yihiin qabiilooyin kala duwan oo aan isku aragati iyo feker toona aheyn.
Su'aal: Haddii aan wax kaa weydiiyo horumar la'aanta uu hadda ku sugan yahay gobolka Gedo iyo marka la eego qilaafka baahsan ee u dhaxeeya xoogagga hubeysan ee gobolka ku sugan iyo hogaamin la'aanta dhanka siyaasadda iyo dhaqanka ah ee bulshada reer Gedo, soo lama oran karo isku daygaagan la xariira maamul u sameynta gobolka Gedo waxuu ku danbeyn doonaa siidii kuwii horaba FAASHIL ama bur-bur?
Jawaab: Walaahi horta waxa imaan doona Rabi un baa og, laakiin bani'aadamka waxaa la faray dadaal iyo isku day. Waxaan rumeys nahay haddii bulshada reer Gedo loo soo bandhigo qorshe fiican oo ku fadhiya cadaalad iyo horumar in ay qaadan doonaan, balse waxaan anigu qof ahaan ka garaabayaa in bulshada la jaho wareeriyay oo ay waayeen hogaan fiican oo dadka u cadli fala.
Su'aal: Ma jiraa qorshe aad hadda maanka ku hayso ee aad jeceshahay in aad isugu keento dhamaan kooxaha is diidan haddii ay ahaan lahaayeen siyaasiyiin, oday dhaqameedyo, iyo kooxaha hubeysan ee kala aragtida duwan ee dhamaantood ku sugan gudaha iyo dibadda gobolka Gedo?
Jawaab: Haa, waan hayaa qorshahaas, waxaana ka mid ah qodobada soo socda:
1. In ay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Gedo isu cafiyaan shuruud la'aan, si markaas ay ugu suurtagasho in ay wax wada qabsadaan, maamul goboleed mideysana u sameystaan.
2. In bulshada u badan deegaanada gobolka Gedo meel ay joogaanba aanay kala laheyn dhul iyo xuduud kala soocda.
3. Si loo baajiyo dagaal danbe oo gobolka Gedo ka dhaco, bulshadana ay si wada jir ah uga wada qeyb qaadato dhismaha maamul goboleedka cusub ee Jubba State, waa in sida si ugu dhaqsiya badan loo qaban-qaabiyo gogol nabadeed la'isugu keenayo kooxaha hubeysan ee gobolka wada dega ee kala aragtida iyo fekerka ah.
4. Si la mid ah dhamaan gobolada kale ee Soomaaliya, gobolku waxuu leeyahay hogaan dhaqameedyo badan, ayada oo uu kan ugu sareeyana yahay Ugaas Cumar Ugaas Xirsi. Marka si bulshada ku dhaqan gobolka Gedo loo abaabulo, loona dhiso maamul goboleedka aan maanka ku hayno in mustaqbalka dhow gobolka looga dhawaaqo, waxaa muhiim ah in uu Ugaasku arrintaan la xariirta maamul u sameynta gobolka Gedo markii ay qaban-qaabadeeda soo dhawaato uu doorkiisa ka qaato oo uu gogol ay ku wada hadlaan u fidiyo.
Su'aal: Goor maa ugu haboon oo aad is leedahay ololaha barnaamijkaan maamul u sameynta Jubba State waa muhiim in la bilaabo?
Jawaab: Haddaba way socotaa qaban qaabada la xariirta sidii maamul u gaar ah gobolka Gedo loogu samen lahaa, dhawaana waxaan meediyaha usoo gudbin doonaa wixii kasoo baxa wada tashiyada horudhaca ah ee ay dhowaan yeelan doonaan xubno ka tirsan beesha gobolka Gedo degta oo ku nool Mareykanka iyo Yurub.
Su'aal: Ugu danbeyntii, ka waran siyaasadiina mustaqbalka ee ku wajahan maamul goboleedkiina Jubba State iyo wadamada iyo gobolada aad deriska tihiin sida uu noqon doono?
Jawaab: Maamulka cusub ee Jubba State waxuu kula noolaan doonaa wadamada iyo gobolada dariska la ah wada shaqeyn iyo is tix-gelin ku dhisan darisnimo wanaag.
Intaasna waxaa inoogu dhan wareysigii gaarka ahaa ee ay maanta Allgedo la yeelatay mudane Aden A. Colujoog.
Cidii su'aal ka qabta soo jeedinta qorshahaan la xariira dhismaha maamul goboleedka Jubba State ee hadda socda ee uu soo bandhigay mudane Aden Colujoog, rabtana in ay ka qeyb qaadato, wax ku darto ama wax ka badasho waxay kala soo xariiri kartaa email address-kiisa gaarka ah oo ah adencolujoog@yahoo.com.
Wareysigan waxaa maanta Aden Colujoog la yeeshay shebekadda war faafinta ee Allgedo Online (AOL).
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com