Amin Amir vs Somali Warlords +Islamist
Posted: Fri Feb 20, 2009 4:47 am
Guddoomiyaha guddiga fulinta golaha maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta hadalo kulul u jeediyey farshaxanka Soomaaliyeed ee caanka ah Amiir Caamir, wuxuuna Sheekh Shariif sheegay in sawirada gurracan ee uu boggaga Internet-ka soo gelinayo Amiin in haddii uu ka waantoobi waayo aysan gacmaha ka laaban doonin.
"Waxaan u sheegeynaa Amiin Caamir haddii uu Maxkamadaha Islaamiga faraha ka qaadi waayo, dagaal meel uu ka yimid uusan garaneyn ayaa ku dhici doona Insha ALLAAH" ayuu yiri Sheekh Shariif.
"Amiin Caamir waxaan rabaa maanta in aan ILLAAHEY u bandhigo, ILLAAHAAN u bandhigaa, wixii ka horreeyeyna waan cafiyey wixii hadda ka danbeeyana ILLAHEY baan u bandhignay, waana arki doontaan qaatumadiisa" ayuu yiri Sheekh Shariif, wuxuuna intaasi sii raaciyey
"Ma taabaneyno Aamin Caamir ILLAAHEY ayaan ku deyneynaa"
Shariifku wuxuu sheegay in maxkamadaha uu ka sameeyey farshaxankaasi sawiro diiniyan & cilmiyan aan aheyn kuwa loo qaadan karo qof muslim ah.
"Maalin danbe hadduu ku laabto waxyaabaha uu ka qorayo maxkamadaha 7 fac dhibaatada gaarta waad arki doontaa" ayuu yiri Sheekh Shariif
http://www.dayniile.com/Setenbar/30Setenber8.htm